Wasiirka Daakhiliga oo ka Hadlay Askari Lagu Dilay Sool iyo Wiil ku Dhintay Rebshad ka Dhacday Dila

0
585

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon), ayaa ka hadlay koox deblay ah oo maandooriyaha Khamriga ka ganacsanayay oo askari boolis ah ku dilay gobolka Sool iyo shaqaaqo ka dhalatay socdaal Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu ku tegay gobolka Awdal oo markii ay degmada Dila gaadheen ku kacay falal amni darro kuna beegsadeen xafiiska xisbiga  KULMIYE oo sababtay dhimashada wiil dhallinyaro ah oo ay ku dhacday xabbad boolisku riday.

Wasiir Faratoon wuxuu   si adag uga hadlay in aan loo dulqaadan karin in xisbi qaran oo tartan doorashada madaxtooyada ugu jira in uu ku kaco falal amni darro ah oo uu dalka galiyo xaalad nabadgelyada lid ku ah, taasoo uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu ka sameeyay gobollo badan.

 

Waxaanu intaa ku daray in sharciga la marin doono ciddii sababtay rebshadaha degmada Dila ka dhacay ee sababay dhimashada wiilkii ku geeriyooday dorraad,waxaanu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay wiilka dhintay oo lagu macagaabi jiray marxuum-Mukhtaar Ibraahim Ismaaciil.

.Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu xalay siiyay Wargeyska Dawan.

 

Wasiirka oo  ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dilka askari boolis ah oo ka dhacay gobolka Sool habeen saddexaadkii, wuxuu yidhi;  “Barkaantarool oo ay joogeen ciidanka boolisku ayay ku joojiyeen gaadhi ay wateen niman budhcad ah oo khamri ay ka ganacsanayeen,  iyadoo ay ciidanku ogaayeen in ay khamriga  gaadhiga ku sidaan markii ay joojiyeena kooxdan oo hubaysnayd ayaa ciidankii degdeg rasaas ugu bilaabeen halkaana  askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa ku geeriyooday, nimankii daroogada ka ganacsanayayna way baxsadeen walina waa lagu daba jiraa. laakiin ciidanka boolisku waxay soo qabteen illaa 8 nin oo lagu soo qabtay tuulada Xidh-xidh  oo aan kuwii falka geystay ahayn  isla markaana la soo qabtay iyagoo hubaysan laguna tuhunsan yahay in ay kooxda falka dilka askariga geysatay in ay caawinayeen oo ay ka gacan siiyeen in ay baxdasaan markii ay tuulada lagu soo qabtay ay gaadheen.  Iyagiina waa lagu daba jiraa, deegaannada bariga dalkana waxaa aad ugu badan oo dhibaato wayn ku haya maandooriyaha Khamriga oo  meelo kala duwan oo badan tuugo lagaga soo geliyo taasoo ay ciidanka booliska iyo Millatariguba aad ula dagaalamaan kuna hawlan yihiin in ay daroogada dadka ka badbaadiyaan taana waxaa sii kordhiyay qaadkii  oo isna aan jirin markaa dhibaato aan la dagaalanka daroogada ahayni maanta bari  kama jirto waanan la dagaalamaynaa cidkasta oo lagu qabtana sharciga ayaa la marinayaa.”

Wasiir Faratoon oo la waydiiyay siduu u dhacay dilka wiil dhallinyaro ah oo  ay ku dhacday xabad ciidanka boolisku ay rideen shaqaaqo ka dhacday degmada Dila xilli magaaladaas uu marayay wefti ka tirsan xisbiga WADDANI,ayaa ku jawaabay. “Xisbiga WADDANI oo socdaal ku tegay gobolka Awdal ayaa markii uu gaadhay magaalada Dila wuxuu ku kacay falal amni darro oo anshaxa iyo dhaqanka wanaagsanba ka baxsan siyaasad ahaana qalad ah oo dhibaato dhimashada hal qof sababtay ka dib markii ay degmada Dila gaadheen ayay si toos ah u abbaareen xafiiskii Xisbiga KULMIYE ee magaalada oo ay hortiisa baabuurtii ku jareen oo ay taagerayaashoodii oo isugu jira dad Hargeysa ka tegay kuwo Boorama ka yimmi iyo qaar ka mid ah dadkii magaalada ee xisbigoodu isugu tageen xafiiskii KULMIYE  hortiisa taasina waxay sababtay in ay isku dhacaan dhallinyaradii labada xisbi kala taageersanaa iyadoo loo hanjabay oo la handaday dadkii joogay xafiiska xisbiga KULMIYE.”

Wasiir Faratoon waxa uu sheegay  inuu sharciga la marin doono ciddii rebshadaas ka dambaysay, waxaannu yidhi;  “Markii uu halkaa ka bilaabmay isku dhicii uu xisbiga WADDANI sababay ciidanka boolisku waxay gurmad ku tageen goobta iyagoo ka hortagayay in khasaare  halkaa ka dhaco rasaas ay kor u ridayeen oo ay dadka ku kala kaxaynayeen ayaa nin dhallinyaro  ku dhacday wiilkaasina wuu dhntay qoyskii uu ka baxayna waan ka tacsiyaynaynaa ka dawlad ahaanna kiiskaasi mid laga hadhayo maaha baadhistiisiinna way socotaa ciddii masuuliyaas yeelatana sharciga ayaa la marin doonaa.”

 

 

“Xisbiga Waddani xafiis buu ku leeyahay magaalada  cid u diiday iyo cid buuq ula tagtay midna may jirin manay dhicin wali in KULMIYE iyo UCID ay weeraraan iyagoo wefti ah xafiis Xisbi kale leeyahay,laakiin tallaabooyinka nabad gelyo darada ah ee xisbiga Waddani uu ku dhaqmayo ee oo gobolo kale oo badanna ka soo sameeyay  oo ay Burco ka mid tahay wax loo dul qaadan karo maaha xadkoodiina way soo dhaafeen Burco waxay ka sameeyeen waa la wada ogaa oo illaa Xaruntii Dawladda Hoose ayay calamadoodii ku xidheen.”

 

Wasiirka oo la waydiiyay xisbiga WADDANI in isagu uu ka cabanayo dawladda oo uu leeyahay culays ayay na saaraysaa iyo in uu xafiisyo xisbi kale rebshad ka sameeyo siday isu qabanayso,waxaannu yidhi;  “Waa wax lala yaabo siyaabaha uu u dhaqmayo xisbiga WADDANI  ee uu magaalooyin badan ka soo sameeyay ee uu  mar kasta ku weerarayo xafiisyada xisbiga KULMIYE taasoo Burco ka dhacday,  Dila-na ka dhacday oo sababtay dhimashada wiil dhallinyaro ah markaa dhaqanadan gacan ka hadalka ah ee xisbiga Waddani ma garanayo in ay siyaasad ka tahay iyo in ay tahay anshax xumo taageerayaashiisa ka timmi. laakiin waxaan u sheegaynaa in aanay dawladdu mar dambe uga dulqaadan doonin tallaabiiyinkiisa nabadgelyada lidka ku ah ee soo noqnoqday.”

 

“Xaq buu u leeyahay xisbigu in uu safar dalka ku maro iyo in uu xafiisyadiisa shirar ku qabsadaba. laakiin laga yeeli maayo wax kasta oo nabadgelyada qaranka lid ku ah tan dilka wiilka dhallinyarada ah sababtay baadhisteedii way socotaa wax aan WADDANI sabab u ahayna kamay dhicin degmada Dila,”ayuu Wasiir Faratoon hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply