Sebtembar oo Aheyd Bishii ugu Dhimashada badneyd Suuriya

0
334

Kooxda la socota dhaqdhaqaaqyada dalka Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in bishiii Sebtembar ee aynu soo dhaafnay ay aheyd bishii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

In ka badan saddex kun oo qof oo ay kamid yihiin sagaal boqol iyo konton qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka.

Kooxdu waxaa ay sheegtay in boqolkiiba toddobaatan dadka dhintay ay sabab u tahay weerarada dhanka cirka ee ay fuliyeen xooggaga dowladda, Ruushka iyo xulafada uu hogaamiyo Mareykanka.

Kooxda indha indheysa xaaladda Suuriya waxay beesha caalamka ugu baaqday inay sameyaan wax walba oo lagu joojin kara dhiigga daadanaya, isl amarkaana caddaaladda la hor keeno cid walbo  oo mas’uul ka ah dhimashada dadka rayidka.

Sidoo kale kooxdu waxaa ay sheegtay in dagaalyahanada isugu yeedha khilaafada Islaamka ee ISIS ay fuliyaan dilal qorsheysan, halka xukuumada Dimishiq na ay jidhdil nafta uga qaado kuwa ka soo horjeeda.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda dalka Suuriya ayaa sare u kacay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, maadaama dowladda Suuriya, Ruushka iyo xulafada Mareykanka ay sii kordhiyeen weerarada ay ku hayaan kooxda ISIS.

 

Leave a Reply