Dulucda Go’aamo ka soo Baxay Guddiga Nabadgelyadda Togdheer

0
363

Burco (Dawan)- Kulamo la xidhiidha sidii loo adkayn lahaa hawlaha nabadgelyadda, isla markaana loogu diyar garoobi lahaa ololaha doorashadda madaxtooyadda oo ay maalmihii u danbeeyay yeesheen gudiga nabadgelyadda gobolka Togdheer ayaa laga soo saaray go’aamo la doonayo in lagu hawl gallo.

Shir ay shalay isugu yimaadeen gudiga nabadgelyadda gobolka Togdheer,  oo uu goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka iyo ku-xigeenkiisa, guddoomiyeyaasha heerarka kala duwan ee maxkamadaha gobolka, xeer ilaalinta iyo hogaanka saddexda xisbi ee gobolka ayaa lagaga dhawaaqay go’aamadaasi.

Badhasaabka  gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa  sheegay in go’aamadani ay  yihiin kuwo la isla qaatay kadib markii mudooyinkan ay gudiga nabadgelyadda gobolku shirar kala duwan arrimahaasi ka yeesheen.

Maxamuud Cali Saeebaan (ramaax) waxa kaloo uu sheegay  in go’aamadani ay yihiin qaar la xidhiidha sidii loo fulin lahaa awaamiirta madaxweynaha ee xiliga doorashadda iyo u diyaar garowgeedaba.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shir dheer oo maalmahanba ay ku jireen gudiga nabadgeliyadda  gobolku, waxay ka soo saareen go’aamo badan oo ah sidii loo fulin lahaa awaamiirta madaxweynaha ee   ku waajahan xiligan aynu ku jirno iyo hawshii joogtadda ahayd ee ay ugu horayso naabdgelyadu, sidii loo dar-dar gelin lahaa.

Sidoo kale u diyaar garowga hawlaha inagu soo foolka leh, sidii gacan loo siin lahaa komishanka doorashooyinka qaranka iyo hab-sami u socodka doorashadda.”

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer gaashaanle  dhexe Cabdi Cali Xayd, ayaa isna tilmaamay in go’aamadani ay yihiin kuwo ay si buuxda isula qateen gudiga naabdgelyadda gobolka, saddexda derejo maxkamadeed iyo xeer ilaalintuba.Waxaanu yidhi “Guddiga nabadgelyada gobolka, saddexda maxkamadood ee derejadda kowaad, maxkamadda sare iyo maxkamadda gobolka, xeer ilaalilnta ciidamadda  iyo xeer ilaalinta gobolka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply