Jaamacad iyo Cusbitaal Laga Dhisayo Gar-adag & Ceel-afweyn

0
401

Garadag (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda  Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey  wefti ballaadhan oo xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa shalay magaalada Garadag ka dhagax dhigay Jaamacad ay dadweynaha deegaankaasi dhisanayaan.

 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay in Jaamacadaasi ay degmada Garadag u baahayd, isla markaana Xukuumad ahaan soo dhawanayaan dhismaheedana ay ka qayb qaadanayaa. Wasiirka ayaa sidaasi ka sheegay xaflada dhagax dhiga jaamacaasi oo maanta ka dhacday Garadag oo uu ka hadlay waxaannu yidhi “ Mashruuca halkan aynnu maanta ka dhagax dhignay waa mashruuc weyn, nasiib weyn waxaynu u helnay in Garadag aynnu ka dhagax dhigno jaamacad qiimo weyn leh, Garadag way u baahnayd jaamacad mar labaadna Somaliland oo dhan, gobollada bari iyo deegaankani waxa ay u baahnaayeen jaamacad tayo leh, oo qiimo leh oo wax ku soo kordhisa Jaamacadaha qaranka Somaliland. Somaliland jaamacado badan ayey leedahay, waxa aynu u baahan nahay inaynnu tayeyno, inay ba’taan ceeb maaha ee waa sax, qofku waa inuu adeega waxbarashada iyo adeegyada nolosha oo dhan ka helaa meel u dhow oo xatabadiisa ah, dunida horumartayna sidaas ayaa lagu qiimeeyaa.”

 

Wasiir Xaashi ayaa ka hadlay waxqabadka XUkuumadda KULMIYE Waxaanu yidhi “Somaliland wax badan ayaa u qabsoomay qaran ahaan, muddadii todobada sanno ahayn ee xisbiga KULMIYE talada hayeyna wax weyn ayaa u qabsoomay, oo sagaal iyo tobankii sanno ee hore aan u qabsoomin, wax badana waa inaga qabyo, noloshu waa qabyo, wax weyn ayey tahay in maanta ay Garadag ay hesho jaamacad weyn oo qiimo leh, waxaan bogaadinayaa oo aan hambalyeynayaa himiladaas iyo hamigaa raggii keenay, Ibraahim Bare Nuur iyo Prof. KhadarCilmi Bare, runtii waannu ku bogaadinaynaa talaabo ummaddan wax u ah, danta guud ee ummadan ka turjumaysa ayey ku dhaqaaqeen aad ayaan ugu mahad naqayaa. Anagu Xukuumad ahaan waxaannu balan qaadaynaa in aanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland aanu ula tagno arrintan doorka Xukuumad ahaan aanu ka qaadanayno, Madaxweyn Siilaanyo waxa muddo xileedkiisii u hadhay afartan ciso, waxaan rumaysanahay markaanu mawduucaas u gayno inuu gacan weyn ka gaysan doono, halkani waa halkii Axmed Siilaanyo lagu boqray, waxay caan ku tahay Tuf oo ay leedahay, Garadag ninka laga caleemo saaraa Madaxweyne ayuu noqdaa, taa kaliya maaha ee waa guri aqooneed, waana guri nabadeed.”

 

Sidoo kalena Wasiirka Madaxtooyada aya rajo weyn ka muujiyey in jaamacaasi Garag ay hirgalin doonto waxaanu yidhi “ Jaamacadani way dhismaysaa, riyo maaha ee waa run, ragga wadaana rag kaftama maaha, indho-sarcaadisna maaha, waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa inuu ina joojiyo iyada oo sawirka halkaa ku qorani uu run yahay oo aynnu xadhiga ka jarayno.”

 

Sidoo kalena wuxuu magaalada Ceel-afweyn ka dhagax-dhigay dhismaha cusbitaal cusub oo laga hirgleinayo degmadaas.

 

Mashruuca cusbitaalkaasi oo ay maal-galinayso dawladda Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan si rami ah loo bilaabayaa, sida uu shaaciyey Wasiirka oo ka hadlay munaasibad loo qabtay dhagax dhiga cisbitaalkaasi, oo lagu qabtay magaalada Ceel-afweyn.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay sida ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu go’an tahay hirgalinta go’aamadii nabadeed ee laga soo saaray colaadii labada beelood ku dhex martay deegaankaasi Ceel-afweyn.

 

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa “Maanta waxa aynu halkan dhagax dhignay cusbitaal weyn oo casri ah oo loo dhisayo degmada Ceel-afweyn, cibitaalkan waxa uu ku yimid markii baahida jirta uu arkay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ka dibna dalka Imaaraadka Carabta uu ka codsaday inay cisbitaalka u dhisaan magaalada Ceel-afweyn. Cusbitaalkan lacagta ku baxaysa oo lacag badan ah waxa bixinaysa hay’ada la yidhaa Mohammed bin Rashid Foundation waa hay’ada samafal ah oo uu leeyahay boqorka Dubai xukuma, waa hay’adaas magaciisa sidata, waxa ugu wakiil ah oo loo igmaday hay’ada wadaniga ah ee samafalka ee Zamzam foundation, hay’adahaasi laba cisbitaal oo hore ayey dalka Somaliland ka dhiseen, cisbitaalka Wajaale iyo cisbitaalka Caynaba, labadaas cisbitaalka siday u shaqaayaan maanta iyo kaalintay buuxiyeen iyo baahiday dabooleen dadka ku nool deegaankaas ayuubaa garanaya.”

 

Waxa kaloo uu intaas raaciyay;  “Xukuumaddu qorshe ayey samaysaa, qorshii aannu samaynay wuxuu ahaa in ummadda caafimaadkeeda aanu kor u qaadno oo ka haqabtirno cibitaalada, in aanu ka haqabtirno biyaha, in aanu ka haqabtirno waxbarashada iyo dugsiyada, oo iskuulada aanu gaadhsiino meel wal oo dad ku nool yahay, qorshe ayaanu dhignay qorshadaas waxaanu u bandhignay dunida, hay’adaha samafalka, qaramada midoobay, hay’adaha deeq bixiyeyaasha, iyo dalalka aynu saaxiibka nahay, jeebkeena oo kaliya wax kama dhisan karno, waxa ka weyn waxa layna siiyo qorshaha la dhigto. Gobolkan Sanaag Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo, todoba sanno ayey dalka taladiisa gacanta ku haysay afartan cisho ayaa ka hadhay muddo xileedkii Xukuumadda, taariikhada ayaa qoraysa wixii ay dalka ka qabatay, taariikhda ayaa qoraysa wixii ay gobolka Sanaag ka qabatay, siday Sanaag ahayn todobadaas sanno ka hor iyo sida ay maanta tahay, aad ayaannu bulshada gobolka Sanaag ugu boqaadinaynaa markhaatiga ay fureen iyaga oo kale aragti duwan, oo laga yaabo inay ku kala aragti duwan yihiin taageerada xisbiyada, waana gobonimo.”

 

Wasiirku  wuxuu xusay in hir galinta cusbitaalkani ay tahay qorshe fulaya oo aan indho sarcaad ahayn waxaanu yidhi “Cusbitaalkani wuxuu dabooli doonaa wax weyn, maaha mid dhagaxiisa loo dhigayo afartan cisho ka hor doorashada oo dadka aanu ku indho-sarcaadinayno, ma dhigno dhagaxaan aanu dadka ku indho-sarcaadinayno, meel kasta oo aannu dhagax dhigno waa dhisnaa, bulshada reer Somaliland ayaa ka markhaati ah, ILAAHAY ayaa ka markhaati ah, waa la dhisayaa, dhismahiisana dhawaan ayaa la bilaabayaa.”

 

Geesta kalena Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda ayaa ka hadlay go’aamadii nabadeed ee golaadii Ceel-afweyn laga soo saaray iyo sida ay uga go’an tahay in la fuliyaa waxaanu yidhi “ Guntii waxaan leeyahay halkan shaqaaqo ayaa ka dhacday waxaan leeyahay bini-aadamku waa khaldamaa gaf ayuu gala, waxa u khayr badan kiisa soo noqda, wax kastaa ha dhaceene waanu ku bogaadinaynaa sidii loo taliyey siday u aqbaleen waayeelka deegaankani, sidii loo soo af-jaray colaadaa, Xukuumad ahaana waxaannu ka qaadanay door weyn, ilaayo maantana waxa jooga ciidamadii qaranka oo ku dib-jiray oo ku dayacmay, waan ku hambaleynayaa Ciidammada qaranka waanan ku bogaadinayaa inay sannad iyo badh dhirtaa hoos taagan yihiin iyaga oo kala ilaalinaya dadkaa walaalaha ah ee shaydaanku ka dhex adeegay. Dhawaan ayaa la xukumay in xoolihii la kala qaado, waxaan leeyahay waayeelka iyo dadka odayaasha ah go’aamadaasi waa inay fulaan, waxaannu la garab taagan nahay in aannu culayskaa kala qayb qaadano, in aannu xoolahaas la goyno, cidii go’aankaas fulin waydana, gacan bir ah ayey dawladdu ku qabanaysaa, nabadda ayaa wax walba ka weyn, waxaan leeyahay dadka reer Ceelafweyn nabadda aduunka aanu galinay dawlad ahaan wax badan ayey halkan ka dhisi lahayn, waxaan leeyahay nabadda ayaa saldhig u ah wax walba bulshadu waa inay is aaminto oo  wax wada qabsato.” Ayuu yidhi Mudane Xaashi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply