Wasiirka Beeraha oo Furay Mashruuc la Xidhiidha Horumarinta Beeraha & Biyaha

0
391

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha  Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamed Aw Daahir Ibraahim iyo Nuura Cabdilaahi Magan oo ah madaxa hay’adda Pharo Fuondaton oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqaysa arrimaha la xidhiidha horumarinta beeraha iyo beeraleyda ayaa si wada jir ah u daahfureen mashruuc saddex boqol oo beerood loogu samaynayo naxaro ama biyo xidheenno iyo adeegyo kale oo ku saabsan kor u qaadida nolosha dhaqan dhaqaale ee beeraleyda degaanadaas.

 

Mashruucan oo laga fulin doono degaanno dhawr ah,  ayaa waxa qaybtiisa kowaad laga bilaabi doonaa degaanka Botor oo ka tirsan degmada Gabiley.

Munaasibada futitaanka mashruucaas oo lagu qatay isla degaanka Botor, ayaa waxa  kaloo ka soo qaybgalay madaxda heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Gabiley, madaxda hay’adda mashruucan fulinaysa iyo dadka beeraleyda ah ee ka faa’iidaysanaya mashruucaas.

 

Wasiirka beeraha Somaliland,  Maxamed Aw Daahir,  oo ka hadlayay  muhiimada mashruucan, waxa uu yidhi;  “Haddii mashruucaasi inoo guulaysto oo aynu biyaha badda innaga galaya joojisanno, heerka biyaha ee ceelashu kor buu inoogu soo kacayaa. Wajaale oo ah magaalo inoo muhiim ahina biyo macaan oo ku filan bay helaysaa.”

 

Nuura Cabdilaahi Magan oo ah madaxa hay’adda Pharo Foundation, ayaa iyadoo sharraxday  mashruucan iyo sida uu u shaqayn doono, waxaanay tidhi;  “Mashruucan waxaanu ku bilaabaynaa shan boqol oo beerood, dhammaan beerahaas waxa loo xidhayaa naxaro. Hay’addan magaceeda waxa afka qalaad lagu yidhaa (Pharo foundation) waa mid gaar loo leeyahay.Masuulka u sareeya hay’addani waxa uu balanqaaday inta uu nool yahay inuu ka shaqayn doono qaarada Afrika. Markaa maadaama oo ninkaa ajaanibka ahi lacagtiisii inoo huray waa in aynu tusnaa in aynu nahay dad dadaalaya oo ka faa’iidaysanaya mashaariicda ina soo gaadha.”

 

Gudoomiyaha gobolka Gabiley, Xasan Maxamed Cabdi oo xafladaas hadal kooban ka jeediyay, ayaa beeralayda ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan mashruucan, waxaanu ku dooday in haddii qorshahani sidii loogu talogalay u hirgalo in mashaariic dambe ay heli doonaan beeralayda Botor.

 

Maayarka magaalada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, ayaa ka  mahadceliyay mashruucan oo uu tilmaamay inuu socon doono muddo shan sannadood ah.

“Waxaannu aad ugu mahadelinaynaa hay’addan oo noo keentay mashruuc aad u qaali ah, kaas oo ku saabsan beeraha iyo biyaha, socona doona muddo shan sannadood ah. Bulshadana waxaan leeyahay si fiican uga faa’iidaysta inta uu mashruucani socdo,”ayuu yidhi Maayarku.

 

“Hay’adda waanu uga mahadcelinaynaa in ay naxaro noo xidho oo barkadaha biyahana iyo balayadaba noo dacyac tirto. Markaa waxaanu beeraley ahaan ku dadaaleynaa sidii aanu mashruucan qiimaha leh uga faa’iidaysan lahayn.” Sidaana waxa yidhi mid ka mida dadka beeraleyda degaanka Botor ee mashruucan ka faa’iidaysan doona.

 

Mashruucan oo sida madaxda hay’adda fulinaysa sheegeen socon doona waxa dadka beeraleyda ah inta uu socdo laga taakulan lahaa sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen looguna xidhi lahaa biyaha roobka ee badda gala iyo arrimo kale oo la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa heer dhaqan dhaqaale ee dadka beeraleydaha ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply