Guddida Anshaxa oo Ganaax Culus Xukumay WADDANI

0
316

Hargeysa (Dawan)- Guddida anshaxa ee Komishanka doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray go’aan ay ku anshax marinayaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanay dul-dhigeen ganaax lacageed oo dhan konton Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Guddidu waxa kale oo ay digniin kama dambays ah siiyeen xisbiga WADDANI, waxaanay ku boorriyeen in uu ka waantoobo ololaha siyaasadeed ee aan sharci jidayn, ka hor inta Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqayo bilawga ololaha doorashooyinka ee axsaabta qaranka.

Sidaana waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed lagu baahiyay shalay mareegta Internetka ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, waxaanu u qornaa sidan:- “Guddida Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinku iyaga oo ka duulaya Qodobka 25aad ee Xeerka An shaxa Doorashooyinka ee tixraaciisu yahay KDQ/XK/118/017, oo siinaya awooda inay hubiyaan meel-marinta Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadeed, iyo ka qaadista tallaabo anshaxa marineed xad-gudub kasta oo Guddidu ogaato.

lyaga oo ku xisaabtamaya in aan wali si sharci ah loo bilaabin ololihii doorashada, Komishankuna aanu fasixin wax olole doorasho ah, si waafaqsan Qodobka 33aad ee Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka (Xeer Lr. 20/2001) ee kaabid iyo wax-ka-bedelka lagu sameeyay 20 1 7.

Tixraac dacwada Lambarkeedu yahay XK/XAX/0042271/2017 ee ku taariikhaysan 02/10/2017 oo uu soo gud biyay Xisbiga Kulmiye.

lyaga oo ogsoon in Xisbiga Waddani uu sameeyay olole qayral sharci ah oo baal-marsan Xeerkii Anshaxa ee ay saxeexeen laba cisho ka hor, isla markaana balan qaadeen fulintiisa, balse ay si badheedh ah uga baxeen, iyaga oo magaalada Bali -gubadle ka sameeyay olole sharciga baal-marsan oo amni darro sababi gaadhay.

Guddida Anshaxa marakay ku qanacday dhamaan arrimaahan kor ku xusan, waxa ay soo saareen go’aan kan:

  1. Waxaa Xisbiga Waddani la siiyay digniin culus oo kama danbays ah, in uu ka waantoobo ololaha sharciga garab marsan ;
  2. Waxaa Xisbiga Waddani lagu ganaaxay lacag dhan 50,000,000 (konton milyan oo shilin Somaliland ah);

Waxaa mar labaad looga digayaa xisbiga Waddani in uu sameeyo olole danbe oo sharciga baal marsan , isla markaana waxa lagu adkaynayaa in uu fuliyo ballanqaadkii uu sameeyay ee ahaa in uu ku dhaqmayo Xeerka Anshaxa.

Guddida Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka.

  1. Sucaad Ibrahim Cabdi, Guddoomiye
  2. Maxamed Cabdillaahi Botaan, Gudd/xigeen
  3. Cabdiqaadir Cismaan Xirsi, Xoghaye
  4. Aadan Xuseen Muxumed, Xubin
  5. Cabdiraxmaan Aadan Maxameed, Xubin
  6. Sh. Cali Aadan Samater, Xubin
  7. Yaasin Qalinle Kaahin, Xubin.”

Leave a Reply