Daneeyayaasha Caalamka oo Murrashaxiinta ugu Baaqay Inay Aqbalaan Natiijada Doorashada

0
343

Hargeysa(Dawan)- Daneeyayaasha caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dimuqraadiyada, ayaa  war-murtiyeed wadajir ah oo ay ka soo saareen ku sheegay in qaan-gaadhnimada geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland ay muujin  doonto  daahfurnaanta iyo nabadgelyada ay u qabsoonto doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13 ka November 2017-ka.

Danjireyaal iyo wakiillo  ka kala socday  Belgium, Denmark, Midowga Yurub (EU),Finland, France, Netherlands, Sweden, UK iyo Maraykanka, ayaa booqasho ku yimid Somaliland, waxaanay  balanqaadeen inay ka go’an tahay inay Somaliland kala shaqeeyaan qabashada doorashada shanta toddobaad ka hadheen. Waxa kaloo ay ku baaqeen in la xurmeeyo shuruucda iyo xeerarka doorashada fooda innagu soo haysa.

War-saxaafadeed ay shalay ka soo saareen Hargeysa, waxa soo akhriyay oo soo turjumay  Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax.

“Wefti  sare oo ka socday daneeyayaasha   caalamka ayaa shalay  booqasho ku yimid  magaalada Hargeysa  ee Somaliland. Weftigan oo ka koobnaa danjireyaasha  Denmark iyo Midowga Yurub oo ay weheliyeen  wakiillo ka kala socday dawladaha Finland, France, Netherland iyo UK.

Weftigu waxay kulamo la yeesheen  Madaxweynaha Somaliland, Guddida Doorashooyinka iyo saddexda murrashax madaxweyne  ee xisbiyada. Waxay weftigu u xaqiijiyeen madaxda Somaliland  inay taageersan yihiin in doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13-ka November ay noqoto mid u qabsoonta hannaan daah-furan oo  loo dhan yahay. Waxaanay murrashixiinta ku dhiirigeliyeen inay aqbalaan natiijada doorashada.

Daneeyayaashu  waxay  tilmaameen in hawlaha u diyaar-garowga doorashadu ay Komishanku u wadaan si  wanaagsan, isla markaana dhammaystireen diiwaan-gelintii codbixiyayaasha, qaybintii kaadhadhka codbixiyayaasha, shahaado siinta murrashaxiinta madaxweynaha  iyo madaxweyne ku-xigeenka iyo digreetadii madaxweynuhu soo saaray 30-kii September 2017, ayaa intuba ah tallaabo muhiim ah  oo la gaadhay. Fulinta digreetooyinkan iyo u hoggaansanaanta xisbiyada ee  xeerka anshaxa  iyo in si isku mid ah ay fursad ugu helaan  xisbiyadu warbaahinta ayaa  lagama maarmaan ah.

 

Weftigu waxay ku guubaabiyeen xisbiyada, komishanka iyo ururrada bulshada inay shanta toddobaad ee ka hadhay doorashada  sii wadaan inay ka shaqeeyaan sidii   ay u dhici lahayd  doorasho madaxtooyo oo nabdoon, loo dhan yahay isla markaana ah mid daahfuran.

Waxaannu u soo jeediyay saaxiibadayada Somaliland inay ixtiraamaan  shuruucda jira una hoggaansamaan   go’aamada ay soo saaraan Hay’adaha sharciga ku dhisan.  Waxa muhiim ah in ololaha xisbiyadu noqdo mid la xidhiidha mowduuc, iyadoo aanay jirin  cabsi gelin, waana  in si isku mid ah loo wada adeegsado  warbaahinta dawladda.

Doorka ururrada bulshada iyo Saxaafaddu  waxay awood u siinaysaa codbixiyayaasha in ay iyagoo xog haya wax dooran karaan, isla markaana waxay  qiimeynayaan siyaasadaha murrashaxiinta madaxtooyada iyo siday muhiim u tahay inay ka dhigaan xisbiyada iyo hay’adaha Somaliland  kuwo lagula xisaabtami karo  balanqaadyada ay sameeyaan.Gaar ahaan iyadoo Komishanka doorashooyinku isha ku haynayo.Goobjoogayaasha doorashadu waxay gacan ka geysan karaan kalsoonida geedi-socodka.

Ururrada bulshadu waxay  isku dubo-ridayaan  illaa 620 goobjoogayaal maxali ah oo ay wehelin doonaan 60 kormeereyaal madax-bannaan oo waayo-arag ah oo ka socda caalamka.

 

 

Daneeyeyaasha  beesha  caalamku waxay u iftiimiyeen  Somaliland sida nabadda, iyo daahfurnaanta ay ku qabsoonto doorashada madaxtooyadu 13ka November 2017-ka oo ay aqbalaan xisbiyada oo dhami isla markaana sida ugu macquulsan ee ugu dhakhsaha  badan loo   la qabto doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Dawladaha hoose ay tusmayn doonto qaan-gaadhnimada hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland. Waxaanay aasaas u noqonaysaa  in la gaadho horumar dhaqaale bulsheed  oo faa’iido u leh shacabka Somaliland. Daneeyayaasha caalamku  waxay ka  taageeraysaa Somaliland qabashada doorashada madaxtooyada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply