Somaliland & Soomaaliya Wada-hadallo ku Saabsan Maamulka Hawada ku Yeelanaya Itoobiya

0
358

Hargaysa (Dawan)- Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa wadahadallo ku saabsan maamulka hawada ah ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa u kicitimay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shalay, halkaas oo uu ka dhici doono kulan dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya kaga wadahadli doonaan maamulka hawada labada waddan.

Wasiir Farxaan oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan wasaaraddiisa oo warfidiyeennada kula hadlay Madaarka Hargeysa oo uu ka dhoofay gelinkii hore ee shalay, ayaa tafaasiil ka bixiyey ujeeddada safarkiisa Itoobiya iyo waxyaabaha Somaliland iyo Soomaaliya kaga wadahadli doonaan kulankooda Addis Ababa.

“Waxaan u ambabaxaynaa aniga iyo xubno ka mid ah saraakiisha wasaaradda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo aannu kulan bilow ah kula yeelanayno masuuliyiin ka tirsan maamulka Muqdisho ambaqaadka hawlihii maamulka hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya oo heer wasiir ah. Waad ogtihiin oo muddo dheer bay hawshaasi soo jiitamaysay, marxalado badan ayeyna soo martay, shirar badan ayaana jiray oo hore loo soo qabtay, waxana ugu dambeeyey shirkii Nayroobi, markaa kan aannu hadda u baxaynaana shirarkaas uun buu qayb ka yahay.  

Waxaananu rajaynaynaa aasaaska iyo udub-dhexaadku waxa weeye sidii loo heli lahaa xal suurtogeliya in hawada Somaliland iyo Soomaaliya ay noqoto mid Soomaalida gacanteeda ku soo noqota oo ay wada maamulan karayaan muddo dheer iyadoo ka maqnayd, haddii ay suurtogasho in wada-hadalladaasi is afgarad ku dhammaadaan,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

Md. Farxaan oo ka hadlayey waxa uga meel yaal Somaliland haddii uu natiijo la’aan ku dhammaado kulanka ay Soomaaliya kula yeelanayaan Addis Ababa, waxa uu yidhi; “Haddii kulankan waxba ka suurtogeli waayaan dee dawlad waliba go’aan-qaadashadeeda iyo xalkeeda ayey ku soconaysaa. Run ahaantii annagu rajo weyn baannu ku qabnaa wadahadallada Soomaaliya, waanuna soo dhowaynaynaa, wixii ka soo baxana soo noqodkayga ayaannu ummadda Somaliland u sheegi doonnaa insha Allaah.”

Intaa kadib wasiirka oo la weydiiyey su’aal la xidhiidha waxa wadahadalkan cusub kaga duwan yahay kuwii ay hore ula yeesheen Soomaaliya, iyadoo weliba muddo-xileedkii xukuumaddooda maalmo kooban ka hadhsan yihiin, waxa uu ku jawaabay, “Muddada xilliga kala wareegga ee mashruuca qaabaynta iyo qalabaynta iyo dhisidda awoodad madaarrada Soomaaliya iyo Somaliland ee ICAO gacanta ku hayso ee markii hore la qorsheeyay saddex sanno ayuu ahaa, saddexdii sannana waxay ku egyihiin bisha February ee sannadka 2018, inkastoo qalabayntu soconayso ilaa bisha 12aad ee 2018, markaa maadaama muddadii soo dhowdahay waa isku day inay Soomaalidu isku tashan karto oo ay xal gaadhi karto, mana aha wax aynu diidi karno, mar walba taladeena iyo go’aankeenuna waa meel, laakiin haddii ay tahay madal in laysu ku yimaad oo ay tahay aynu wada-hadalno, ma jirto asbaab aynu u diidno.”

Markale Wasiir Haybe oo la su’aalay; haddii Soomaaliya ku adkaysato in hawada labada dal laga maamulo Muqdisho Soomaaliya, waxa uga qorshaysan Somaliland, waxa uu yidhi; “Kama hordhacayo arrintaas. Annaga qorshahayagu waa noo cad yahay, horena shirkii Nayroobi qodobbo ayaa laysla eegay. Waxa laysla eegay suurtogalnimada horta taawarrada qalabka lagu hago hawada ama diyaaradaha lagu maamulaa siday u suurtogelayso ee looga samaynayo Hargeysa iyo Muqdisho, haddiise ay noqoto in cid kale gacanta loo geliyo waxay noqonaysaa hawl ka madaxbannaan, waayo markii hore Qarammada Midoobay ayaa lagu wareejiyey hawada oo hay’adda ICAO ayaa oggolaansho loo siiyey maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya, ilaa haddana ma jiro wax xal ah oo lagu celiyey Qarammada Midoobay oo la leeyahay hawadii Soomaali baa qaadanaysa, waxaanay ka imanaysaa inaynu innaga iyo Soomaaliya isku afgaranno, dabadeed sidaa Qarammada Midoobay ugu gudbinno oo ku aqballo, annaguna mar walba waxaannu u taagannahay doonista Jamahuuriyada Somaliland.”

Ugu dambayn, Wasiirka Duulista Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey warar warbaahinta maxalliga ah qaarkeed qoreen oo sheegaya in Madaarka Hargeysa lagu wareejinayo dawladda Turkiga, waxa uu markii ugu horreysay xaqiijiyey inay shirkad Turki ah heshiis kula galeen casriyeynta garoonka Egal International Airport.

“Wax walba ma aha inaannu u soo bandhigno saxaafadda, waayo waxyaabaha qaar baa u gaara maslaxadda iyo jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo aan u baahnayn inaannu debadda soo dhigno. Horta ma aha dawladda Turkiga ee waa shirkad Turki ah oo had iyo jeer maalgashi ku samaysa madaarrada muddo ayuuna wada-hadalku noo socday. Waa markii shanaad ee ay noo yimaaddaan, markaa waxaanu isla eegaynay inaannu ku dhawaanno  farsamo ahaan sidii ay innoogu dhisi lahaayeen Terminal cusub, maadaama Terminalka imminka inoo dhisan uu kooban yahay oo aan awooddiisu qaadi karayn diyaaradaha imminka inoo yimi, siyaasadda cusub ee xisbiga KULMIYE-na way ku jirtaa in Terminal cusub in loo  dhiso Madaarka Hargeysa, markaa macnaheedu maaha waa la wareejinayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply