Faysal Cali Waraabe oo Wasiirro Hore ku Eedeeyay inay Siyaasadeeyeen Dugsiga Sh. Cali Cismaan

0
390

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha  ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,  ayaa ku eedeeyay  in xubno hore wasiirro uga soo noqday   dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland ay doonayaan in ay hadda xukuumadda  ku ceebeeyaan dhibaatooyinkii ay iyagu dhigeen.

Waxaanu ku sifeeyay xubnahaasi in xiligii ay wasiirrada ahaayeen in ay bulshada u muujin jireen in ay dalka jecel yihiin, balse markii xilka ka tageen ay bilaabeen in xukuumaddii ay ka tirsanaayeen ay  eedo uga dhigaan foolxumooyinkii ay  dalka iyo dadkaba u gaysteen.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay kadib markii  uu  shalay booqday soona kormeeray  dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Cali Cismaan,  ee magaaladda Hargaysa oo Salaasadii doraad ay rebshad kooban oo la xidhiidhay in dugsiga la iibiyay  ka dhacday.Hase yeeshee Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in arrintaasi la majarro habaabiyay, isla markaana xubno siyaasiyiin ah iyo warbaahintu ay si qaldan u dhigeen arrintaasi. Isagoo u jeediyay saxaafadda Somaliland in ay  ka digtoonaadaan buun-buuninta wararka aan la hubin ee bulshadda lagu jaho-wareerinayo.Guddoomiyaha UCID waxa kaloo uu tilmaamay  in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in dugsigaasi Riis la iibiyay, balse  mudaharaadkii iyo rebshadii doraad ka dhacday iskuulkaasi ay tahay mid la xidhiidha arrimo dhul, taasina  ay masuul ka tahay dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa. Isagoo ugu horayn ka hadlayay dugsigaasi iyo taariikhdiisa waxa uu  yidhi “Dusgigani, waa kii aan anigu ka bilaabay tacliinta, waxaanan weli arkaa in uu shaqaynayo. Waxaan u imid in aan maamulaha iskuulka xog-waraysto, waxaana jirtay in shalay (doraad)  arrini  ay ka dhacday iskuulkani.  Waxaanan   u tegi doonaa  dawladda hoose ee Hargaysa, maamulaha rayigeesiina waan qaatay, oo way ii sheegtay”.

Waxa kaloo uu sheegay in markii dhibaato aad u yar ay dalka  ka dhacdo in qaladaad hore oo jiray lagu soo darro, isla markaana xubno siyaasiyiin ah ay uga faa’iidaystaan in ay xukuumadda ku dhaliilaan.  Waxaanu  bahda warbaahintana kula dar-daarmay in ay iska ilaaliyaan wararka dhibaatadda ku keenaya dalka.  “Wixii yar ee aynu inagu samayno ee loo fahmo qalad-na, boqol kaloo qalad iyo ceebood oo jiray ayaa lagu darayaa, taasoo la moodayo in ay  waxyeelayso dawladda markaa taagan, balse dalkeen-na oo dhan ayay waxyeelaysaa. Waxaan idinka codsanayaa qoladii-na warbaahinta,  adeerayaal ceebtee-na asturra,  oo ceebteenu inta ay le’eg tahay ha dhaafinina. Aduunka marka aad aragtid, dad baa ku odhanaya anagu markaanu  jaraa’idkiina   eegno, waxaanu is-nidhaahnaa ha imanina meesha (Somaliland)  belaayo ayaa ka taagane.

Dawladeenii maanta wejiga ayaa lagaga qoray Tuugo waddanka boobaysa,    taasina waxay keentay in la inaga joojiyo wada shaqayntii uu aduunku la lahaa”.Waxaanu intaas ku daray “Kuwa waxan odhanayaa waa kuwii wasiirrada ahaan jiray shanta sanadood, ee iyagu dhibaatadda maanta taagan abuuray,  ayaa imika  dawladii ay sanadka  ka maqnaayeen, caayaya, oo ka dhigaya wax aan jirin.Markaa macnaheedu waxa weeyi, qofku waxa uu wadanka jecel yahay inta uu   shaqadda hayo, ee uu wasiirka yahay.   Marka  uu wasiirnimadda waayana,  wuxuu leeyahay hala waayo dalka-ba, oo ayaanu iga danbaynin, mar haddii  aan wasiirnimadii waayay.  Taasina wax soconaysa ma aha, waa  ta aanu doonayno in aanu ka bad-baadino   wadanka”ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

 

Faysal, ayaa ugu danbayn waxa uu ka hadlay  waxyaabihii uu iskuulkaasi ku soo arkay iyo sida hawlihiisu u socdaan, waxaanu yidhi “Iskuulkii wuu shaqaynayaa, ardaydii waxba may noqonin, arrintaasina hadda arrin dhul ayay noqotay, waxaanan u tegaynaa dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa.  Waanan u maahd celinayaa marwo Caasha oo ah maamulaha iskuulkani, waana maamule wanaagsan”.

Geesta  kale maamulaha dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Cali Cismaan, horena loo odhan jiray Riis, marwo Caasha  oo halkaasi ku soo dhawaysay  guddoomiyaha xisbiga UCID  ayaa sheegtay in aan dugsigaasi la iibinin, isla markaana uu si caadiya u shaqaynayo. Waxaanu  ugu baaqday marwo Caasha, waalidiinta dhalay caruurta dugsigaasi dhigata iyo dadweynaha degan xaafadda iskuulku ku yaalaba in dugsiga uu shaqaynayo. Waxaanay tidhi  “Dadka waxaan u sheegayaa in aan dugsigan la iibinin, in iskuulka  shaqadiisii ay socoto oo aanu joogno, in iskuulka gudihiisu uu amaan yahay. Dadka leh iskuulkii waa la iibiyay, oo   Cagaf ayaa  la geliyay,  ee waxyaabahaas war-xumo-tashiilka ah suuqa gelinaya, waxaanu leenahay waa been.Waalidiinta ay khusayso iyo dadka xaafadda waxaanu u sheegaynaa iskuulkani in aan la iibinin, iskuulkiina ay shaqadiisii socoto,  ubadkiina aanu hayno, shalay-na (doraad)  aanu shaqaynaynay, maanta-na (shalay)  aanu shaqaynayno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply