Murrashaxiinta KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed Loogu Sameeyey Baki

0
355

Baki (Dawan)- Murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti kooban oo ay horkacayaan, ayaa hadhimo-sharafeed maamuuskeedu sarreeyo loogu sameeyo beero masno ah oo ku yaalla degmada Baki ee gobolka Awdal.

Murrashaxiinta oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Awdal, isla markaana ay wehelinayaan wefti kooban oo ay xubno ka yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, wasiirrada wasaaradaha shaqada iyo Xidhiidhka goleyaasha Maxamed Cabdilaahi Obsiiye iyo Axmed Xaaji Daahir Cilmi, siyaasiyiin ay kamid yihiin, xoghayaha abaabulka ee xisbiga KULMIYE Cabdikariin Xinif, siyaasi Jamaal Cali Xuseen, xildhibaanno, maamulka gobolka Awdal ee xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE iyo guddoonka degmada Baki, ayaa shalay hadhimo heer sare ah loogu sameeyey hadhaca masnooyin waaweyn oo ku yaalla degmada Baki, waxana halkaas ku soo dhaweeyey hormoodka salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Awdal.

Hadhimadan oo ahayd mid lagu wadaagay kaftan iyo is-xogwaraysi furan, ayaa ku soo dhammaaday jawi deggen, waxana madaxda dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanku muujiyeen taageerada buuxda ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashixiintiisa.

Weftiga ay hoggaaminayaan murrashaxiinta KULMIYE, ayaa sidoo kale muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin casuumadda loogu sameeyey dhirta hadhaca ah hoosteeda, iyada oo ay hadimadana ka dhex muuqdeen khudradda ay caanka ku tahay degmada Baki oo kamid ah goobaha ugu wax soo saarka badan Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo hadhimada kadib halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa si mug leh uga mahadnaqay hadhimada ay shacabka degmada Baki ku maamuuseen weftiga ay hormoodka u yihiin murrashaxiinta KULMIYE, waxana uu shacabka ku bogaadiyey dedaalka dhinaca wax soo saarka beeraha ee ay sid weyn uga midho dhaliyeen.

Geesta kalena. Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa shalay magacaabay Guddida diyaarinta iyo maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE uga qayb galaya doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto 13-ka bisha November ee sannadkan.

Sidaana waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, kaas oo lagu shaaciyay magacyada xubnaha guddida diyaarinta iyo maamulka muraaqibiinta, sidoo kale waxa lagu sheegay isla warsaxaafadeedkaas in masuuliyadda guddidan ay ka mid tahay maamulista goob joogayaasha xisbiga iyo adeegsiga farsamada casriga ah ee loo yaqaano IT-ga.

Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan “Xisbiga KULMIYE isaga oo aqoonsan muhiimadda ay Muraaqibiinta Xisbigu u leeyihiin hufnaanta Doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa uu magacaabay Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE. Xubnaha Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE waxa ay kala yihiin:

Cabdicasiis Maxamed Samaale – Guddoomiye

Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan – Guddoomiye Ku Xigeen

Cabdikariim Axmed Maxamed

Ibraahim Daahir Dubad

Axmed Muumin Seed

Guddidani waxa ay masuul ka yihiin diyaarinta, tababarka iyo maamulka muraaqibiinta iyo goob-joogayaasha Xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo ay masuul ka yihiin adeegsiga farsamada cariga ah ee IT-ga iyo xog ururinta (Data Collection).”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply