Wasiirka madaxtooyada oo sheegay in siyaasiyiintu u tuhmaan lacag

0
318

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi,  ayaa sheegay in ay dalka jirto is-aaminaad la’aan xagga maamulka, taasoo ay sabab u tahay dhaxalka xukunkii millatariga ahaa ee    30ka sanadood ka talinayay Somaliland.

 

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu habeen hore ka jeediyay munaasibad uu abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (laab-saalax) ku soo bandhigay suugaantiisa iyo kooxda uu guddoomiyaha u yahay ee Xidigaha Geeska. Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qaybgalay siyaasiyin, dhallinyaro, bahda suugaanta, abwaaniin uu ka mid ahaa abwaan Aadan Tarabi Jaamac iyo abwaanin kaloo badan, iyadoo halkaasi kooxda fanaaniinta ee xxidigaha geeska ay ku soo badnhigeen heeso iyo suugaan kale.

Wasiir Xaashi, oo xafladaas  ka jeediyay hadal waxa uu sheegay in uu ka mid yahay dadka jecel suugaanta, isla markaana ay suugaantu wax badan bulshadda ka bari karto nidaamka maamulka wanaagsan. Waxaanu yidhi “Bulshadeenii  waxyaabaha ku dhacay waxa ka mid ah  is aamin la’aan, dal baynu ka tirsanayeyn sodon sanadood, dalkaasi waxa aynu ka soo baranay waxyaabo badan murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda ayax tag eel-na reeb, waxa aynnu ka soo baranay, khiyaamada, is-aamin la’aanta, burburka iyo qofka siyaasiga ah oo aan la aaminin.”

 

“Markii  aan tegay Kuwait oo aan ka soo qaaday mashruuca lagu dhisay madaarka  ayaa ninkii siyaasiga ah ee ila kul maaba uu is yidhaahdaa malaayiinkii doolarka ahaa ayuu boorsada ku sitaa.  Waa  is aamin la’aanta bulshadeenna maanta haysata. Anigu  siyaasi ayaan ahay xafiis ayaan fadhiyaa qofkii ii soo galaaba marka uu sidaa ii eego ayuu is yidhaahdaa walaahi lacag baa ninkan dul-saar-saaran, waxaynnu u baahan nahay in aynu si aamino, oo qofka siyaasiga ah la aamino,” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply