Wasiir Siyaasiyiin iyo Salaadiin ku Eedeeyay Inay Masruufsadaan Dhulka

0
332

Hargeysa (Dawan) Wasiirka  Hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta Jamhuuriyadda  Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan),  ayaa iska difaacay eedo uga yimid Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi.

Cali Mareexaan waxa uu iska fogeeyay eeda uga timid Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir taasi oo la xidhiidhay in Wasiirka hawlaha guud uu farogalin ku hayo xabaal uu ku aasan yahay awoowgii, isla markaana uu ka iibiyay shakhsiyaad gaar ah.

“Waxaannu isu nimid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maayarka Berbera, waxaan ku idhi dhulka dadka masaakiinta ahi ka cabanayaan ka warama, waxaanu yidhi maayarku ‘dhulku xabaalaha kuma dhawa’, waxaana waraaqo bixin fayla sameeyay maayirkii iga horeeyay, markaa waxaan ku idhi cabasho ayaa ka timid, waa xabaalihii awoowyaasha, inta leysaga imanayo waxaa leydin amrayaa inaad joojisan, waaney joojiyeen, ninka yidhi wasiirbaa bixiyay ee habeen badhka kacay ee suldaanka ah waxaan leeyahay wax ha loo sheego,” ayuu yidhi Wasiirka Cali Mareexaan.

Wasiirka hawlaha guud waxa kale oo uu intaas raaciyay “Nimanyow waxaa dadkii lagu waalay wax dhul la yidhaaho, qayladaa isu yeedhay, dad salaadiin iyo siyaasiyiina oo masaariifsan jiray ayaan idhi joojiya, xalay ilaa habeen hore waxaa hadlayay suldaanka guud iyo Faysal Cali Waraabe, dadkuna waxa ay jecel yihiin inay xukuumaddaha dhaliilaan, yidhaahana wax baa la cuney, laakiin Airport-ka Hargeysa miyeynu qaybsanaa mise Aiport ayuu ahaanaya.”

Cali Mareexaan waxa uu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu wareegto ka soo saaray dhulka Airport ka Hargeysa, waxaanu yidhi “Shan kilomitir ayaa Airport-ka dhanka koonfureed ka xigta, waana garoonkii diyaaradaha ee caasimada, madaxweynuhuna waxa uu soo saaray digreeto waxaanu yidhi hal kilomitir iyo badh  looma soo dhaafi karo, siyaasi iyo suldaan iyo nin magac leh ayaa leh waanu qaybineynaa, marka la yidhaaho ka daana, waxay odhanayaan wasiirka hawlaha guud ayaa dhulkii boobay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply