Guddoomiyaha Diiwaanka Sekeda oo ka Hadlay Dhibaatada Lagu Hayo Muslimiinta Rohinga

0
344

Hargeysa(Dawan)- Gudoomiyaha Diiwaanka Sekedda ee  Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Siciid Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay xasuuqa iyo dhibaatada lagu hayo Musliinta reer Burma ee loo yaqaanno Rohingya iyo arrimo kale oo ku saabsan nabadgelyada iyo doorashooyinka.

Sh. Siciid oo shalay ka hadlayey khubadii Salaadii Jimcaha ee Masjid Sh. Cumar Cismaan ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay  in dadkaa Muslimiinta ah ee Rohinga loo dilayo diintooda. Sheekhu waxa uu sheegay in dawladdii hore ee Millateriga ahayd ee Burma ay dadkan u diiday dhalashada dalka Burma, isla markaana ay go’doomin ku haysay, balse ay uga sii dartay Haweenayda haatan dalka xukunta ee Aung San Suu Kyi.

Haweenaydan oo loo han weynaa waxa la filayey in ay dadkaa xuquuqdooda u soo celiso, balse si badheedh ah ayey dagaal xasuuq ah ugu qaaday gobolka dadkaasi degaan ee Rakhine State. Waxa la gubay guryihii dadkaa, Beerohoodii iyo Doonyihii kalluumaysiga, taasina waxay keentay in lix boqol oo kun ay u qaxaan dalka deriska la ah Burma ee Bangaladhish. Mushkilada dadkan ayaa haatan indhaha dunidu wada aragtay waxaana qaramada midoobay u aqoonsatay dagaal isir baabin ah.

Sh. Siciid waxa soo qaatay dhibaatooyin kale oo dunida Muslimka maanta ku jira, ka dibna waxa uu ka hadlay arrimaha Somaliland iyo nabad gelyada, waxaana uu sheegay in nabad gelyada Somaliland taal ay tahay wax lagu mahad naqo. Isaga oo ka hadlayna waxa uu yidhi ‘’ Nabadu waa nimco, Ilaahay ayaana ina siiyey , xoog kumay iman, qabiilna muu keenin, laakiin dadka ayaa gartay waa in la ilaaliyaa oo aan Ilaahay ugu mahadnaqnaa’’.

Isaga oo sii wada waxa kale oo uu ydihi ‘’ Dhibaatooyin wax yar ka yar kuwa Rohinga, ayaa 1988-kii ina soo maray, waa laga soo gudbay oo nabad iyo horumar ayaa la helay, waa in la ogsoonadaa, hadii aynu ku kibirno oo nimcadaa ku mahadniqi weyno waxa laga yaabaa in dhibaatooyinka ka socda wadamo badan oo muslim ah inagu dhacaan’’.

Waxa uu ka hadlay xilligan doorashooyinka, waxaana uu aad ula hadlay dadweynaha iyo Xisbiyada oo uu kula dardaraamay in ay nabadgelyada wax kasta ka horaysiiyaan. Dadka waxa uu u soo jeediyey in ay iska Ilaaliyaan waxyaalaha ka horimanaya nabadgelyda, sidoo kale xisbiyada waxa uu kula dardaraamay in ay ka fogaadaan waxyaabaha nabada dhaawacaya, isla markaana dadka kala fogaynaya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply