Xaaladda Adag ee Qaxoonti ka soo Baro-kacay Yemen oo ka soo Degay Dekedda Berbera

0
360

Hargeysa(Dawan)-  65 qof oo qaxoonti ah oo ka soo cararay dagaalka ka socda waddanka Yemen, ayaa habeen hore soo gaadhay dekadda Berbera, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta gobolka Saaxil  iyo Bisha cas ee Somaliland.

Dadkan qaxoontiga ah oo uu siday markab ganacsi oo la yidhaahdo Bamadhaf, oo ka soo qaaday magaalada Cadan  ee dalka Yeman, waxa ka muuqatay diif iyo dhibaatadii  ka qabsatay dalka Yemen ee dagaalku halakeeyay.

Madaxa Baafinta ee Bisha cas ee Gobolka Saaxil, Maxamed Cabdi Aadan (Jimcaale), ayaa xalay uga waramay  Wargeyska Dawan, xaaladda dadkan, waxaanu sheegay in gabadh Yemaniyad ahi ay ku geeriyootay waxyar ka hor intii aanay soo gaadhin dekedda Berbera. “Dadkan waxay ahaayeen 65 qof oo qaxoonti ah oo ka soo qaxay dagaalka ka socda Yeman. Gabadh Yemaniyad ah oo wadno xanuun qabtay ayaa geeriyootay intii aanu markabkii dadkan siday ku soo xidhan marsada Berbera, waxaanay wayday oxajiin. Hase ahaatee 64-kii qof ee kale waa la dejiyay,”ayuu yidhi Maxamed Cabdi Aadan.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Dadkan qaxoontiga ahi  waxay iskugu jireen 55 qof oo Yemaniyiin ah, shan  Itoobiyaan ah, saddex Jabuuti u dhashay iyo laba qof oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Tanzania. Sidoo kale 47 qof oo rag ah, lix haween ah iyo lix carruur ah. ”

Sarkaalku  waxa uu intaas ku daray in dadkan ay Hay’adda Bisha cas u samaysay gargaar degdeg ah oo caafimaad  isla markaana ay  siiyeen telefoono bilaash ah oo lagula xidhiidhiyay qoysaskoodii  dagaaladu kala kaxeeyeen. Waxaanu xusay in la geeyay xero loogu talogalay qaxoontiga Yemen oo ay hay’adaha UNHCR iyo IOM taageero ugu fidiyaan.

 

Waxa markabkaasi ku soo qaaday dadkan qaxoontiga ah qofkiiba $150 doolar (Boqol iyo Konton Doolar) taasi oo aanay tahli karin intooda badani.

Waxa kaloo la sheegay in maalmaha fooda innagu soo haya la filayo in dad kale oo qaxoonti ah oo ka soo barokacay Yemen ay soo gaadhaan dekedda Berbera.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply