Habka Ugu Wanaagsan Ee Tarbiyada Caruurta

0
626

Nin ayuu wiil u dhashay, markaasuu u tagay Sheekh ka Fadwooda Arimaha Bulshada, oo ku yidhi: “Sheekh Wiil ayaa ii Dhashay, waxaan kaa Rabaa inaad ii Sheegto habka wanaagsan ee aan u Tarbiyadeeyo?, Sheekhii ayaa ugu jawaabay Ninkii:”  Waan ka xumahay, Waa goor danbe,  hadda maaha inaad ii Timaado ee waxaa loo baahnaa inaad ii Timaadid Markaad Guursanaysay Wiilka Hooyadiis, oo wakhtigaasi ayay Bilaabantaa Tarbiyada Caruurta”.  Xikamdda ayaa ah Nin iyo gabadhaba waa in qofku marka hore xushaa oo iska hubiya qofka uu guursanayo, maxaa yeelay waa arrin mustaqbal ah. Mustaqabalkuna waa inuu ku salaysnaado khayr iyo wanaag. Taasi oo ubadkuna ku dayanayo wanaagga waalidka ka muuqda.

Abuu Hurayrah “RC” wuxuu yidhi: “Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Muslimiinta waxaa u iimaan sareeya kan ugu dabeecad wanaagsan; waxaana idiinku wanaagsan kuwiina dumarkooda u dabeecad wanaagsan”.  Waxa weriyay Tarmadi ( waana xadiis saxiix, xasan ah).

 

 

 

Leave a Reply