Qarax Weyn oo Gaas oo Gilgiley Caasimadda Gaana

0
349

Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhintey kadib markii qarax weyni gilgiley  kaalin shidaal oo ku taal caasimadda Gaana ee AKRA.

Sida la sheegay taangi ay ku jirtey gaasta dabiiciga ah ayaa dab qabsadey, waxaana cirka iskula baxay qaacii iyo ololkii , taas oo qasabtay in ay dadkii ka agdhawaa ka kala yaacaan aagga.

Shilkan oo dhacay sabtidii ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen toddoba qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan boqolaal kale.

Inta badan dadkii aagga laga daadgureeyay ayaa ahaa ardeyda jaamacada Gaana oo iyadu ku taal deegaankaasi dabku ka qarxey.

Madaxweyne  Nana Akufo-Addo ayaa soo dhigey bartiisa twitterka inuu warkaasi aad u qalbi jabiyay.

 

Waxa uu intaa ku darey in ay dowladu  wixii ka danbeeya ay wax ka qaban doonto si aaney u dhicin tan oo kale mar danbe.

Bishii June  sannadkii 2015, ayaa waxa ku dhintay ilaa 150 qof  dhacdo tan la mid aheyd oo ka dhacdey goob shidaal.

 

 

Leave a Reply