Trump oo ku Tilmaamay Kuuriyada Waqooyi Mid aan Wax ku Laheyn Wadahadal

0
346

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay fahmayaan oo keliya  hal sheey oo aanu sii qeexin faahfaahintiisa waxa uu ula jeedo.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in muddo sanado oo wadahadal lagula jiray xukuumadda Pyongyang aysan ka soo bixin wax natiijo ah.

Madaxwaynaha Mareykanka Trump ayaa bartiisa Tweeter-ka ku soo qoray “Madaxwaynayaal iyo maamulkooda ayaa wadaxaajood kula jiray Kuuriyada waqooyi muddo 25 sano ah taasina ma shaqayn.

Mr Trump faahfaahin dheeraad ah kama bixin hadalkiisan.

Kuuriyada waqooyi iyo Mareykanka ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay waxa ay is waydaarsanayeen hadalo kulul.

Pyongyang ayaa dhawaan sheegtay in ay tijaabisay hub niyukleer ah.

Madaxwayne Trump ayaa horey uga digay in Kuuriyada Waqooyi ay burburin doonaan haddii loo baahdo in mareykanka ay is difaacaan amaba ay difaacaan xulufadooda.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa Sabtidii ammaanay hubka Niyukleerka oo uu sheegay in uu yahay mid dalkiisa u damaanad qaadaya ammaanka.

Leave a Reply