Xafladdii Wan-qashada Degmada Dacarta iyo Weedhihii Hal-doorka Reer Somaliland ka Jeediyeen

0
516

Hargeysa (Dawan)-Munaasibad ballaadhan oo loogu wanqalay Degmada cusub ee Dacarta oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu qabtay Magaalada Dacarta, taasoo ay ka qayb-galeen madaxda Asxaabta Qaranka, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Baarlamanka, Maayirro, Madax-dhaqameedyo iyo boqolaal dadweyne ah.

Xafladan oo ahayd mid kulmisay badi hal-doorka Somaliland, loona sameeyey dabaal-deg agaasiman oo ay qayb ka ahaayeen Fardo lagu soo dhaweeyey Madaxda ka qaybgashay iyo  bandhig-fanneedyo soo  jiitay indhaha marti-sharafta,  isla markaana intii ay socotay laysku dhaafsaday kaftan iyo duur-xul dhaqan iyo mid siyaasaddeed.

Waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Talo-same Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdillaahi Abusite oo ku hadlayey afka guddida horumarinta degmadan iyo Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mid ah madax-dhaqameedka Deegaanka, kuwaasoo ku dheeraaday taariikhda Degmada cusub ee Dacarta iyo sida ay muhiimka u tahay in laga wada qaybqaato horumarinta adeegyadeeda bulshada, iyagoo sidoo kale u mahad-naqay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo Xukuumaddiisa oo ay ku bogaadiyeen magacaabista Degmadan.

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil, Suldaan Maxamed Mirre Guuleed iyo madax-dhaqameedyo oo xafladaas hadallo ka jeediyey, ayaa  hambalyey Degmadan cusub, uguna duceeyey inay noqoto degmo hoggaanka u qabata horumarka Gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan dalka Somaliland, isagoo geesta kalena ka waramay Taariikhda soo-jireenka ah ee Beesha Degmadan degta oo ay tilmaameen inay tahay Beeshii ugu horaysay ee dhinaca dhaqanka iyo hoggaaminta Saldanadaha u horaysay Beesha Dhexe ee Somaliland.

Madax-dhaqameedyada iyo xubno ku xeel-dheer dhinaca taariikhda oo xafladda ka hadlay, ayaa sidoo kale sheegay in beeshaasi markii u horaysay samaysay Saldanad-dhaqameed Boqortooyo oo ahayd tii ugu horaysay ee laga sameeyey dhulka Somaliland, iyagoo halkaa ku soo bandhigay suugaan iyo Sooyaal ka warramaya taariikhdii faca-weynayd ee Sandaladdii Boqor Haaruun iyo ilaa toddoba Sandaladood oo kala dambeeyey.

“Bulshada ku dhaqan Degmadani waa bulsho taariikh fac-weyn lahayd oo aan hubno inay ka soo baxayso horumarinta Degmadan…” ayuu yidhi Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka halkaas ka hadlay.

Maayirka Caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-aamin Cumar Cabdi oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey degmdan cusub ee Dacarta, waxaanay sheegeen inay ka qayb-qaadanayaan dhismaha iyo horumarka Degmadan.

“Anigoo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Hargeysa waanu soo dhawaynaynaa Degmada Dacarta, waxaannu ballanqaadaynaa inaanu bixin doono Gaadhigii Degmada, waxa kale oo aanu ka qaybqaadan doonaa dhismaha wadaddeeda iyo horumarinteeda kale,” ayuu yidhi Maayirka Hargeysa.

Maayirka Gabiley Maxamed-aamin Cumar Cabdi, ayaa isna balanqaaday “ Bulshada ku dhaqan Degmada Dacartu waxay kamid yihiin Cashuur-bixiyeyaasha Gobolka Gabiley, sidaas darteed anigoo hadlaya afka Maamulka Degmada iyo Gobolka Gabiley, waxaanu balanqaadaynaa inaanu hiil iyo hoob-ba la garab taaganahay Degmadan” ayuu yidhi Maayir Aamin.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mustafe Axmed Ciise (Shiine) iyo Guddoomiyaha Degmada Faroweyne Faysal Maxamed Jaamac ayaa iyaguna soo dhaweeyey degmadan cusub ee ku soo korodhay Gobolka Maroodi-jeex, waxaanay balanqaadeen inay la shaqeynayaan maamulkeeda, iskana kaashan doonaan horumarinta iyo nabad-gelyada.

Guddoomiye Mustafe-shiine, ayaa sidoo kale magacaabista degmadan uga mahad-celiyey madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, isagoo tilmaamay inay noqon doonto degmo horumar iyo wax-soo-saar ku soo kordhisa Gobolka ay ka tirsan tahay.

Wasiir-u-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo isna munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay inay Degmada Dacartu waxyaabo badan kaga duwantahay degmooyinka kale ee dalka, isla markaana isaga ay xusuus iyo xallad gaar ah ugu suntan tahay degmanimadeeddu, isagoo kula taliyey bulshooyinka ku dhaqan degmadan isku-duubni iyo inay u midoobaan horumarkeeda.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Yuusuf Cismaan Garas, ayaa sheegay in degmada Dacartu noqotay mid isku xidhay ama biriij ku noqotay bulshooyinka Somaliland ee Bariga iyo Galbeedka, taasina ka markhaati kacayso faca iyo miisaanka Taariikheed ee ay leedahay. Wasiir Garas waxa kale oo uu halkaa mahad-naq uga jeediyey Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo uu ku suntay horumarka adeegyadeeda. “Degmadani waxay iskaashi iyo dan-wadaag la leedahay deegaamada ay ka soo jeedaan Wasiir Xaglo-toosiye iyo ragga kale ee halkan fadhiyaan. Waxa kaloo aan halkan kaga dhawaaqayaa inay Bulshada Degmadu laba faras ku maamustay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo-toosiye. Labadaa Faras oo ay bulshada degmadu ii wakiillatay inaan iminka ku wareejiyo Wasiirrada la siiyey,” ayuu yidhi Yusuf Cismaan Garas.

Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Wasiirka Wasaarradda Howlaha Guud Md. Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan), Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Biyaha, Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibanno ka tirsan Goleyaasha Wakiillada, Guurtida, Golaha Deegaanka Hargeysa iyo xubno ku hadlayey afka aqoonyahanka oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey Degmadan cusub, iyagoo xusay inay durba  ka muuqdaan xarunta degmada iyo deegaamada hoos-yimaada dar-dar iyo  horumar la taaban karo, taasoo sida ay tilmaameen tusaale u noqonaysa higsiga iyo himilada wanaagsan ee Bulshadeeda.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID, ayaa dhankooda soo dhaweeyey, dhamaantood-na caddeeyey inay tahay degmo ku munaasib ah Derejada la siiyey ee degmanimada.

“Degmada Dacartu waxay kamid ahayd laba degmo oo aan qalbiga ku hayey markii aan aasaasaynay Xisbiga UCID, markaa waxaan isleeyahay Madaxweyne Siilaanyo wuu la helay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde, ayaa isna sheegay “Xisbiga KULMIYE isagaa magacaabay degmadan, horumarkeeda iyo waxqabadkeedana diyaar ayuu u yahay, haddii aanu mar kale talada qabanana waxaanu balanqaadaynaa inaanu sii laba jibaari doono wixii aanu ka qabanay…” “.. anigoo Tix-raacaya Taariikhda ay leedahay ee laga sheekeeyey, anigu waxaan u bixinayaa KULMIYA,” ayuu yidhi Guddoomiye Xuseen.

Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isna ku hambalyeeyey dadweynaha Degmada horumarka iyo waxqabadka ay hir-geliyeen, isagoo dhinaca kale ugu duceeyey inay noqoto degmo buuxisa kaalinta degmanimo.

“Degmooyinka dalka ee aan maray kumaan arag degmo sidan oo kale wax u qabsatay oo dhisme inta leegi ku yaallo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo bulshada Degmadan ka raali-geliyey inuu ka habsaamay munaasibada wanqasha oo ay xilli dambe soo gaadheen isaga iyo weftigiisu.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isna halkaas hadal ka jeediyey, waxa uu yidhi; “Markii la ii sheegay in Degmada Dacarta loo wanqalayo waxaan dib u dhigay safar aan dibadda ugu bixi lahaa oo aan diyaaradda ku qornaa, waxaan u baajiyey safarkaas mihiimadda ay munaasibadan loogu wanqalay Degmada Dacartu leedahay. Waxa xaqiiq ah inay tahay degmo fac-weyn.”

Gabagabadii munaasibada waxa khudbad dheer ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo si qoto-dheer uga warramay mustawaha degmadan Dacarta ee dhinacyada siyaasadda iyo sooyaalka taariikheed.

“Degmadan aynnu maanta u wanqalayno waa degmo fac-weyn, waa degmo meesha ku munaasib ahayd, adeeg-yadeeda aas-aasiga ah iyo kaabayaasheeda dhaqaale ee jiray may badanayn, waayo tuulo ayey ahayd, waxa ka jiray xarun MCH iyo dugsi hoose dhexe, waan ku bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashadu inay kordhiso dugisigii hoose dhexe, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan madashan iyo weeyeelkan uga sidaa hambalyo uu i soo faray inaan madashan soo gaadhsiiyo, waxaan uga sidaa duco, waxaan ugu sidaa mahad-naq, deegaamadani waxay ahaayeen kuwii Axmed Siilaanyo laga taageeri jiray, Soomaalidu waxay tidhaa Libaax nin galladay iyo nin ganayba waa og yahay,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

Waxaannu intaas ku daray; “Qorshaha qaranka Xukuumadda ahaan annaga ayaa gacanta ku hayna, miisaaniyadiina annaga ayaa gacanta ku hayna oo samaynayna, anaga oo rajaynayna in xisbiga KULMIYE uu talada dalka ku soo noqdo guushana aan isa siinayn, halkan waxa aanu ka dhisi doonaa oo miisaaniyadda aanu galinaynaa xaruntii maamulka degmada iyo xaruntii saldhiga Booliska, dhawaan ayaanu dhagax dhigi doonaa, waxaannu raadinayaa qandaraasle sii dhisa oo aanu lacagta miisaaniyadda ugu darno, waxa kaloo aanu halkan ka fulin doonaa oo ay Wasaaradda khayraadka biyuhu qorshasay ceel ka mida tobankii ceel ay dawladda Imaaraadku ina siisay.”

Degmadan cusub ee Dacarta, waxa Madaxweyne Axmed Silaanyo uu si rasmi ah u magacaabay bishii August ee sannadkan 2017.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply