Bulshadu Way Isu Baahan Tahay

0
360

Markii uu socday dagaalkii sokeeye ee dhex marayay Koonfurta iyo waqooyiga Maraykanka qarnigii 19aad , Jabhadihii dhinaca koonfurta ka soo jeeday waxay haysteen suufka laga xidho dhaxanta iyo barafka, laakiin waxa iyagana ka maqanaa oo aanay haysan geedka Afyuun (Opium) oo la adeegsan jiray dhinaca xanuun biinta askarta dhaawac ah.

Geedka Obyamka waxa la siin jiray askarta dhaawaca ah si uu xanuunka u ilowsiiyo (anti pain). Dhinaca kalena ciidankii ka soo jeeday dhinaca waqooyiga ayaa iyaguna gacanta ku haystay geedkaasi, laakiin iyagana waxa ka maqnaa suufka dhaxanta laga xidho.

Haddaba isagoo dagaalku socodo ayay labada ciidan haddana heshiis ku gaadheen inay sameeyaan ganacsi ay is dhaafsanayaan Suufka iyo geedka Afyunka (Opium).

Ugu danbaystiina arimaha keenay in dagaalku istaaago waxa sababay baahida labada dhinac isu qabaan oo ay si buuxda u wada dareemeen.

Leave a Reply