Booliska Somaliland u Diyaar-garoobay Sugida Ammaanka Xilliga Ololaha Doorashada

0
424

Hargaysa  (Dawan):   Afhayeenka  Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda  Somaliland  Gaashaanle sare  Faysal Xiis Cilmi,   ayaa  sheegay inay gacan bir ah  ku qaban doonaan cid kastoo isku dayda in ay khalkhaliso nabadgalyada dalka, gaar ahaana marka la gaadhi ololaha doorashada madaxtooyada.

Waxaanu  tilmaamay in ciidamada booliska ay ku jiraan heegan aad u culus oo ay ku sugayaan xasiloonida magaalooyinka, isagoona carabka ku adkeeyay in ciidamada boolisku  dhex u yihiin axsaabta  qaranka.

Gaashaanle Faysal, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa  ayaa u  soo jeediyay axsaabta qaranka in ay ilaaliyaan nabadfgalyada dalka. “Waxaan u sheegaynaa axsaabta qaranka iyo taageerayaashooda  in ay ilaaliyaan nabadgalyada guud ee dalka Somaliland waana in looga danbeeyo oo lagu ixtiraamo  sugida nabadgalyada   ciidamada booliska.

Ciidammada   boolisku waxay ku jiraan heegan aad iyo aad u culus ugu jiraan sidii ay sugilahaayeen nabadgalyada guud ee dalka   cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso nabadgalyada guud ee dalka  haday noqoto hadal iyo haday noqoto qoraal ciidanka boolisku uga dul qaadan maayo.

Gacan  birr ah  ayaana  lagu qabanayaa cid kasta  oo isku dayda in ay  wax samayso   waxaana  la hor gayn doonaa sharciga,ciidamada boolisku waxa dhex u yihiin dhamaan axsaabta qaranka  9 kii bishan Octoober waxa ka  dhacay huteelka Guuleed ee magaalada Hargaysa  labo nin ayaa isku faro saaray kiis koodii ciidamada booliska ayaa gacanta ku haya baadhistoodii ayaana socoto dib ayaanan ka soo sheegi doonaa” ayuu yidhi afhayeenka booliska Somaliland.

Waxa kaloo   uu sheegay in waajibaadka ciidamada loo igmaday ay ka mid tahay ilaalinta nafta iyo maalka dadka reer Somaliland. Waxaanu  yidhi “Ciidamadda boolisku waxay ilaaliyaan nafta iyo maalka dadka reer Somaliland  waana waajibaadka loo igmaday ee qaranku ku ogyahay.

Waxa  dadka qaar kood caado u noqotay  in marka faldhaco si kale loo sheego oo been abuura  waxaana ka dhalankara faldambiyeed  ciqaabeed  qofkii lagu qabtana waxa la hor gayn doonaa maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ku shaqada leh.saxaafaduna maaha in ay qorto wax aanay hubin  waana in ilaaliyaan xeerka ay leeyihiin  mana aha in ay iska qoraan wax aan  aan xaqiiqo ahayn”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply