Komishanka oo soo Saaray Tirada Dadka Codaynaya Doorashada Madaxtooyada

0
1534

Hargeysa (Dawan)- Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay in ay ka codayn doonaan doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa codbixiyayaal ay tiradoodu dhan tahay (704,089) (Toddoba Boqol iyo Afar Kun iyo sagaal  iyo siddeetan iyo sagaal codbixiye). waxaana laga codayn doonaa 1642 goobood oo ku kala yaalla 21 degmo doorasho.

 

Sidaana waxa lagu sheegay warbixin ay shalay soo saartay Guddida doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, warbixintaasi ayaa lagu shaxeeyay tirada guud ee dalka oo dhan ka codbixin doonta doorashada Madaxtooyada, sidoo kalena waxay sii faahfaahisay tirada ka codayn doonta gobollada iyo degmo doorashooyinka dalka.

“Gobolka Awdal oo ka kooban afar degmo doorasho, waxa ka codayn doona (102,571), boqol iyo laba kun, shan boqol iyo kow iyo toddobaatan qof, degmada Boorame waxa iska diwaan geliyay 64,160 codbixiya, Saylac wax iska diwaan geliyay 14,553 qof, degmada Lughaya waxa ka codayn doona  11823 qof, halka degmada Bakina ay iska diwaangeliyeen 12,035 qof,” ayaa lagu sheegay warbixinta Komishanka.

 

Waxa kaloo warbixintu intaas ku dartay   in tirada guud ee iska diwaangelisay gobolka Maroodi-jeex ay dhan tahay (249,229), laba boqol, afartan iyo sagaal kun, laba boqol, sagaal iyo labaatan qof, “Gobolka Maroodi-jeex guud ahaan waxaa iska diwaan-geliyay laba boqol, sagaal iyo afartan kun, laba boqol, sagaal iyo labaatan qof, waxaanay kala yihiin degmooyinku sidan:- Degmada Gabiley 46,143 qof, Hargeysa 179,328 qof, Baligubadle 11,623 qof, degmada Salaxley 12,135 qof.”

 

Komishanku waxay intaas raaciyeen;  “Gobolka Saaxil wadarta guud ee dadka iska diwaangeliyay waxay dhan yihiin (60,817) lixdan kun, siddeed boqol, toddoba iyo toban qof, waxay u kala qaybsan yihiin degmada Berbera oo ay iska diwaan geliyeen 47,740, halka degmada Sheekh-na ay iska diwaan geliyeen 13,077.

Gobolka Togdheer wadarta guud ee dadka ka codayn doonaa waa  (147,440) boqol, toddoba iyo afartan kun, afar boqol, afartan iyo afar qof, kuwaasi oo u kala baxa degmada Burco oo ay iska diwaangeliyeen 118,411 qof, degmada Oodweyne oo ay iska diwaan geliyeen 21,155 qof, halka ay degmada Buuhoodle iska diwaan-geliyeen 7,847,” ayay sheegtay warmurtiyeedka Komishanka.

Waxa kaloo ay caddeeyeen  in gobolka Sool ay iska diwaan geliyeen 63,698 qof, “Gobolka Sool waxaa iska diwaan geliyay (63,698) qof, wuxuu u kala qaybsamaa degmada Caynaba oo iska diwaangeliyeen 30,251, degmada Laascaanood oo ay iska diwaan geliyeen 23,022 qof, degmada Xudun oo ay iska diwaan geliyeen 5,302, halka ay degmda Teleex-na iska diwaan geliyeen 5,123 qof.”

 

“Gobolka Sanaag waxa iska diwaan geliyay dad dhan (80,334) siddeetan kun, saddex boqol, saddex iyo soddon qof, oo u kala qaybsan degmada Gar’adag oo ay ka codeynayaan 12,356 qof, degmada Ceel-afwayn 17,945 qof, degmada Ceerigaabo oo ay iska diwaan geliyeen 45,798 qof, halka ay degmada Badhan ka codayn doonaan  4,235 qof.”

Dhinaca kale waxa goobtii lagu shaacinayay natiijadan hadal ka jeediyay guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdilqaadir Iiman Warsame, waxaanu faahaahiyay  tirada dadka codeyn doona ee qaatay kaadhadhka codbixiyayaasha waxaanu yidhi  “Waxaa aynu ku balanay 10 October, in aynu shaacinno tirada dadkii is diwaangaliyay, hase ahaatee waxaa qaatay kaadhkoodi boqolkiiba shan iyo sideetan, waxa kale oo wax Illaahey loogu mahadiyo ah in aan Sever-ka qalabka lagu keydiyo macluumaadka diwaangalinta ee waxaasi oo shaqo ah inoo qabtay inaanu dalka dibadiisa inaga oolin, waxaanu inoo yaalaa xarunta, taasina waa mid kale oo xaga wanaaga iyo isku filaanshiyaha aqoon ahaaneed iyo karti ahaaneed aynu gaadhnay, inoo horseedayana inay doorashadu inoo noqoto mid xor ah oo xalaala oo qofna aanu laba jeer codeyn kareyn oo aanu leenahay nabad-galiyo heynoogu dhacdo, cida wadankan hogaamin doontana xaga rabbi ayay ka qoran tahay, markaa halagu kalsoonaado waxaanu xisbiyada iyo dawladaba uga mahad celineynaa sidii aad noola soo shaqeyseen inaanu todobadayadaasi xubnood idinku hagno doorashada dhaceysa 13-ka bisha dhaceysa, weynaga go’an tahay sida aan noo aaminteen inaanu u fulino oo Illaahey dartii aanu dhex ugu noqono saddexda xisbi qaran, jawaabta ama xasilka ugu danbeeya todobadayadaasi oo kuwada tashaneyna oo mid ka mid ah inaanu u soo saarno idinkuna aad taa nagu raacdaan, damaanadna nagu siisaan naguna kalsoonaatan.”

 

 

Xoghayaha xisbiga Kulmiye mudane Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay inay ka xisbi ahaan taageerayaan wixii ay Komishanku uga baahdaan waxaannu yidhi “Waanu idiinku mahadnaqaynaa, waanu soo dhaweynaynaa waananu ku kalsoonahay, waananu ku qanacsanahay natiijada aad soo saarteen iyo hawsha aad qabateen, Illaaheyna ha inoo  fududeeyo hawsha inta dhiman inaynu dhameystirno, sidii hore leydiinla shaqeyn jiray ayaanu idiinla shaqeynaynaa, waanu ilaalineynaa xeerarka iyo shuruucda u dhigan doorashada hadii Illaahey yidhaaho, waananu idinku gacansiineynaa wax kasta oo aad nooga baahataaan boqolkiiba boqola waanu ku kalsoonahay waxaananu rajeynaynaa in guul laga gaadho”

Maxamed Cabdillaahi Uurcade xoghaya guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa balanqaaday inay ka xisbi ahaan ay u hoogaansamayaan wixii shuruuca ee qarankani ku heshiiyay waxaannu yidhi; “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay haddii aanu nahay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani in maanta natiijada tiradii codeyneysay Somaliland ku guuleysaney oo Somaliland ku guuleysatay, hormoodna ay u yihiin koomiishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, oo si naf hurida hawshaasi uga shaqeeyay aad iyo aadna aanu ugu hanbalyeynayno oo aanu ku balanqaadayno in inta hadhay ee doorashada in aanu u hoggaansano wixii shuruuca ee qaranku leeyahay iyo wixii nidaama ee umadani ku hishiiso oo ah hishiiska ay xisbiyadu kala saxeexdeen Illaaheyna aanu ka baryeyno in uu doorashadan inooga dhigo mid nabad iyo wanaag ku dhammaata.”

“Sharaf weyn ayay noo tahay in halkan la soo gaadho qaran ahaan iyo guud ahaan Somaliland oo dhanba, qaran hal mida ayaynu nahay marka arrimahan laga hadlayo, oo isku duuban oo Somaliland wax la yidhaahdo ay ka dhaxeyso, guddida doorashooyinkuna waa garsoorayaashi caddaalada doorashada, inaanu halkan markaa uga mahad naqno xisbiga mucaaridka ah ee UCID haddii aanu nahay komishanka doorashooyinka waxaanu ku qanacsanahay diwaangalintii dalkan ka dhacday inay najaxday,” ayuu yidhi masuul ka socday xisbiga UCID.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply