Qiso: Gaajo iyo Dheregabu Waa Laba Masiibo!

0
440

Prof. Kurt Godel wuxu ahaa aqoonyahan xisaabta, falasafada iyo cilmiga caqligalnimada (Logic) si xeel dheer u yaqaanay oo Maraykan ahaa laakiin markii hore asal ahaan Jarmal ah.

Kurt waxa ku dhacay xannuunka shakiga (Paranoia ) oo kaasi oo ku keenay in cuntada gabadhiisu samayso keliya uu cuno isaga oo haba yaraatee  xannuunka ka dib aan marna qaadan cunto kale, xataa Kurt waxa uu ka shakisanaa tan uu isagu gacantiisa ku samaysto.

Bishii Janaury sanadkii 1978 ayuu dhintay waxaana sabab u ahaa xannuuno ka dhashay gaajo iyo cunto xumada uu sabab u noqday xannuunka shakiga ee asiibay.

Haddii ay Prof.Kurt gaajo dishay ddhinaca kale Boqorkii Adolf  Fredric oo dalka Sweden xukumayay badhtamihii qarnigii 18aad ayaa isaguna u dhintay dhereg  xad dhaaf ah. Boqorka ayaa caan ku ahaa inuu qaato raashin kala duwan oo mar kastana is dibiriyo isaga oo aan haba yaraatee ogolayn inuu marna dareemo wax gaajo ah.

Sababta dhimashadiisa ayaa lagu sheegay inay ahayd dhibaato dheefshiidkiisa ku dhacday ka dib markii uu qaatay cunto aad u badan oo kala duwanayd, waxaana ay keentay inuu dheefshiidku gabo shaqadiisa isla markaan calooshu dibiro awgeed weynaato, ugu danbaystiisna uu u dhinto. Ardayda dugisyada ayaa u taqaanay boqorkii dhergiyay naftiisa ilaa intii uu ka dhimanayay .

 

 

 

 

Leave a Reply