Qiso: Qofka Wax Badan Doona, Waxba Ma Helo..!

0
398

Sida uu daabcay wargeyksa The Japan Times gabadh wariye ah oo lagu magacaabo Mieve Sadu oo 31 sano jirtay kana hawlgelaysay xarunta telefishinka NHK oo ku yaalla caasimadda Tookoyo ayaa dhimatay.

Sida laga soo xigtay kormeeraha heerka iyo qiyaasta shaqada ee Tokyo ayaa cadeeyay in gabadhan saxafiga ah ee Mievi Sadu ay dhimatay ka dib markii wadnuhu uu istaagay.

Sababta ayaa lagu sheegay cadaadis xoog ah oo ku dhacay shaqada wadnaha iyo walbahaar uu sababay iyada oo qiyaasihii saacadaha shaqada ay si xad  dhaaf uga badisay.  Telefishinka Ruushka ayaa isna sheegay in gabadhan weriyaha ahi inay muddo bil ah shaqada si joogto ah u waday iyada oo laba maalmood keliya nasatay iyada oo heerkii saacadaha shaqada ee caadiga ah dheeraad kaga dhigtay 159 saacadood. Laakiin dalka Japan ayay haysata dhibaatada ah in dadku u dhintaan iyaga oo saacado badan oo dheeraad ah shaqeeya si ay u helaan lacago dheeraad ah oo ay ku dalxiisaan. Kuwaasi oo shaqada dhexdeeda ku naf baxa.

Leave a Reply