Wasaaradda Shaqada oo Furtay Shir Lagaga Hadlayay Xeerka Lammaanaha

0
542

Hargeysa(Dawan)-  Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada  Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa shalay ka furtay caasimadda Hargeysa  Kulan  lagaga hadlayay xeerka  lammaanaha. kulankan  waxa  ka qaybgalay saraakiil ka socday  wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada,Kalluumaysiga Xannaanada Xoolaha,waxbarashada iyo tacliinta sare,diinta iyo aw-qaafta iyo masuuliyiin kale. Waxaana  lagaga hadlayay  xeerka Lammaanaha oo la ansixiyay 2011-kii. Isla markaana  wax la iskaga waydiinayay xeerka lammaanaha.

Waxaana ka soo qayb galay Aagaasimeyaasha guud ee wasaaradaha shaqada iyo arrimaha bulshada Sahra Maxamed Xuseen(Sahra Basbaaso) Xannaanada Xoolaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdiguray), Kalluumaysiga Fu’aad Cabdisalaan Xaaji Xasan iyo madax kale oo ka socday wasaarahada xeerka lammaanuhu uu quseeyo oo ay ka mid yihiin wasaaradda Diinta iyo aw-qaafta,waxbarashada iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Sahra Maxamed Xuseen oo kulankaa ka hadashay,ayaa faah faahisay ujeedada loo qabtay,waxaanay tidhi. “waxaynu doonaynaa in aynu fikradeheena is waydaarsano oo wax iska waydiino guud ahaan wasaaradaha ay qusayso arrintan oo ah xeerka lammaanaha hadday tahay haweenka iyo hadday guud ahaan tahay cidda ay qusaysoba, kulankan oo ah kulan bishiiba hal mar ay wasaaraddu qabato.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga oo isna furitaankii kulankaa ka hadlay,ayaa sheegay in wasaaraddoodu door wayn ay siisay laamaha kala duwan ee wasaaraddu ka kooban tahay haweenka isla markaana Maamulka wasaaradda waxaa ka mid ah haween waxaanay wasaaraddu ka kooban tahay lix waaxood  mid ka mid ahna waxaa agaasime waaxeed ka ah gabadh shaqaalajha wasaaraddana qayb wayn ayay ka yihiin marka laga hadlayo lixdii gobo lee hore ee Somaliland sadex gobol oo ka mid ah waxaa isuduweyaal ay ka mid yihiin madaxda wasaaradda kalluumaysiga. “ka ah haween,markaa wasaaradda Kalluumaysigu doorkii haweenka hadday tahay shaqaalayn iyo hadday madax tahayba kaalin wayn ayay ka qaadatay.”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysigu.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha ayaa tilmaamay sida ay haweenku ugu yihiin lafdhabar horumarka qaranka iyo dib u dhiska dalka. “haddaynu nahay Somaliland haweenku kaalin weyn ayay kaga jiraan horumarka dalka meel walba,maanta iyaga ayaanu u daba fadhinaa aayihii waddanka iyo la dagaalanka saboolnimaada iyo dhaqaalahaba,wasaaradaha ugu muhiimsan ayaanay madax ka yihiin”

Waxaa kaloo kulankaa ka hadlay madax ka socotay wasaaradaha waxbarashada iyo diinta iyo aw-qaafta oo dhammaantood ka hadlay kaalinta wax ku olka ah ee haweenku kaga jiraan  horumarka qaranka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply