Ciidanka Booliska oo ka Hadlay Eedaysaneyaal Loo Qabtay Basaskii Lagu Gubay Hargeysa

0
361

Hargeysa (Dawan) Afhayeenka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Gaashaanle Sare,  Faysal  Xiis Cilmi, ayaa shaaciyay  inay  sagaal eedaysane ay u hayaan afar  bas oo  dhawaan lagu gubay istaanka basaska Jigjiga yar oo ku yaalla  ka soo horjeedka saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, taasi oo cabsi ku abuurtay gaadiidleyda istaankaasi ka shaqeysta.

Afhayeenka ciidanka boolisku wuxuu   caddeeyay in eedaysanayeyaasha qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo dambiga loo haysto gacanta kula jira. Gaashaanle dhexe Faysal Xiis waxa uu sidaas ka sheegay shirjaraa’id oo ay shalay si wadajir ah  u qabteen taliye ku-xigeenka qaybta booliska  galbeedka Hargeysa, Gaashaanle Dhexe  Faarax Cabdi Xasan.

“Beryahan danbe waxaad la socoteen in gaadiidka dadweynuhu ay raacaan ee basaska la gubay, falkan oo ah mid ugub ku ah  Jamhuuriyadda Somaliland, taliska ciidanka boolisku wuxuu amar adag ku bixiyay in dadkii falkan gubista gaadiidka geystay si adag loo baadho. Nasiib wanaag ciidammada boolisku waxay xalay (habeen hore) gacanta ku soo dhigeen sagaal eedeysane oo qaarkood lagu hayo iyaga oo gaadiidkii gubaya, gacantana ku sita qalabkii ay u adeegsanayeen gubista gaadiidka  dabkiina ku qabtay ayay ciidammada boolisku gacanta ku soo dhigeen faahfaahinta baadhitaanka  kiiskanna ka hor dhici maayo,”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka boolisku.

Waxa kaloo uu intaas ku daray ; “Waxaanu  bulshada u sheegaynaa in ciddii falalka noocaasi ah  lagu soo qabtay in ciqaab aad  u culus la marin doono, oo aanay boolisku marnaba u dulqaadan doonin. waayo waa dad duulan ku ah ganacsiga iyo  nabadgelyadaba.”

 

Mr. Faysal Xiis waxa uu bulshada u soo jeediyay inay ciidanka booliska ula shaqeeyaan si adag, waxaanu yidhi; “Bulshada Somaliland waxaan leeyahay sidii aad awalba noola shaqeyneyseen noola shaqeeya. Waxaan  mahad aad u ballaadhan ayaanu idiin haynaa ciidan ahaan, waxaa loo baahan yahay  in wixii falalka noocan  oo kale ah  sameynaya aad gacan nagu siisaan sidii gacanta loogu qaban lahaa. ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland-na meel kasta oo uu joogo waxa uu heegan ugu jiraa sugida amniga.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply