Wefti ka Socday Somaliland oo Iskaga Gudbay Chechnya Iyo Ruushka

0
355

Chechnya(Dawan)-Weftigii uu hoggaaminayo  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Axmed Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti,  Cabdifataax Siciid Axmed  iyo xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa booqasho ku tagay dalka  Ruushka oo maalmaha soo socda ay la kulmi doonaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Moscow.

 

Weftigu waxay maalmihii u dambeeyay   booqasho ku tageen  dalka  Chechnya,  waxaanay safarkooda  ku macneeyeen inay la xidhiidhay sidii ay u soo abuuri lahaayeen cilaaqaad siyaasadeed oo ay yeeshaan Somaliland iyo Chichnya. Waxay intaas ku dareen inay Chichnya  kula kulmeen  Wasiirka Khaarajiga  iyo saraakiil ka tirsan wasaaradiisa. Waxa kaloo ay sheegeen inay is arkeen jaamacado ku yaalla dalkaas oo ay u bandhigeen sidii ay ardayda Somaliland u siin lahaayeen  deeq waxbarasho.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply