Qiso: Mushaharka Loo Kordhiyay Kumuu Farxin!

0
594

Nin shaqaale ah oo mushaharkiisu aad u yaraa, laakiin aad uย  shaqo fiicanย  ayaa maalin shaqadii ka maqnaaday.

Ninkii uu shaqaynayay ayaa musharkiisa u kordhiyay isagoo u arkay inuu u maqnaaday iyadoo aanay ku filayn. Laakiin ninkii shaqaalaha ahaaย  ugama mahad celin kordhinta waanuย  iska watay shaqadiisa.

Maalin danbe ayuu haddana ka maqnaaday shaqadii, ninkii maamulaha ahaa ayaa cadhooday oo haddana ka jaray intii uu ugu kordhiyay mushaharka. Markii uu siiyay kama hadal ninka shaqaalaha ahi waana iska qaatay.

Maamulaha oo yaaban ayaa u yeedhay oo ku yidhiย ย  โ€œWaan kuu kordhiyay mushaharka, maad hadal, haddana waan kaa dhimay maad cadhoon, waa maxay sababtuโ€?

Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa ku jawaabayย ย  โ€œMaalintii hore ee aan maqnaa wiil ayaa ii dhashay oo aan mashquul ku ahaa, markii aad mushaharka ii kordhisayna waxaan ogaaday inuu la soo kordhay risiqiisa. Maalintan danbe ee aan maqnaa hooyaday ayaa dhimatay, markii aad iga jartayna waxaan u qaatay inย  risiqeedii uu yahayโ€.

Waxa wanaagsan in aad ku qanacdo wixii Allaah (SWT)ย  ku siiyo oo aad ku mahad naqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here