Qiso: Mushaharka Loo Kordhiyay Kumuu Farxin!

0
402

Nin shaqaale ah oo mushaharkiisu aad u yaraa, laakiin aad u  shaqo fiican  ayaa maalin shaqadii ka maqnaaday.

Ninkii uu shaqaynayay ayaa musharkiisa u kordhiyay isagoo u arkay inuu u maqnaaday iyadoo aanay ku filayn. Laakiin ninkii shaqaalaha ahaa  ugama mahad celin kordhinta waanu  iska watay shaqadiisa.

Maalin danbe ayuu haddana ka maqnaaday shaqadii, ninkii maamulaha ahaa ayaa cadhooday oo haddana ka jaray intii uu ugu kordhiyay mushaharka. Markii uu siiyay kama hadal ninka shaqaalaha ahi waana iska qaatay.

Maamulaha oo yaaban ayaa u yeedhay oo ku yidhi   “Waan kuu kordhiyay mushaharka, maad hadal, haddana waan kaa dhimay maad cadhoon, waa maxay sababtu”?

Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa ku jawaabay   “Maalintii hore ee aan maqnaa wiil ayaa ii dhashay oo aan mashquul ku ahaa, markii aad mushaharka ii kordhisayna waxaan ogaaday inuu la soo kordhay risiqiisa. Maalintan danbe ee aan maqnaa hooyaday ayaa dhimatay, markii aad iga jartayna waxaan u qaatay in  risiqeedii uu yahay”.

Waxa wanaagsan in aad ku qanacdo wixii Allaah (SWT)  ku siiyo oo aad ku mahad naqdo.

Leave a Reply