Qiso: Way ka Murugtay Abaalkii Sheekha!

0
387

Nin waayeel ah oo sheekha ayaa musharkiisa laba meelood ka dhigay isagoo qayb bil kasta siin jiray gabadh agoon ah oo ay jaar ahaayeen oo haysatay caruur yaryar.  Odayga ayaa lacagtaasi ugu reebay khasnajiga Baanka oo uu ka codsaday in aanu u sheegin oo uu siiyo bil kasta lacagtaasi.

Sida caadiga ah, jaarka qaarkood waxa dhex mara muran iyo doodo, iyadoo weliba gabadhaasi agoonta haysataa ay ahayd mid ku dhib badan qoyska odayga waayeelka ah.

Waxay odhan jirtay anagoo jaar ah ayaanay xataa biyo qabow na siin, ilaa odayga aabahood ah ee weyn, isla markaana sheekha iska dhiga ayaa bakhayl ah.

Muddo ka dibna waxa dhintay Sheekhii, markii ay Baanka tagtay ayuu khasnajigii u sheegay in lacagtii aanay u hayn madaama uu dhintay Sheekhii iyada siin jiray. Gabadha ayaa halkaasi xaqiiqda ku ogaatay oo aad uga murugootay abaalkii sheekhu u galay. Ilaali oo xaqdhowr jaarkaaga iyo dadka kaleba.

 

Leave a Reply