Samiir: Sirdoon Dadkiisa Khiyaameeyay!

0
414

Ciidanka Amaanka Masaarida ayaa xidhay bishii August 1997,  Samir Cusman isaga oo wakhtigaasi ku jiray hawl sirdoon oo uu ugu adeegayay Israa’il. Wuxu xidhanaa suunka dabaasha, waxaanu wakhtigaasi doonayay inuu dabaal iskaga gudbo Masar iyo Isra’il.

 

Markii ciidanka amaanku waraysteen isla markiiba waa uu qirtay inuu la sheqeeyo MOSAD Yuhuudda isagoo cadeeyay in shaqada la qoray sanadkii 1988.

Waxaana uu sheegay inuu gacan ka geystay shaqo qoridiisa sarkaal ka tirsan sirdoonka Isra’il.  Wakhtigaasi ayuu Samiir ka tegay shaqada Istaratajiyada Ciidanka Masar.

Wuxuu qirtay inuu siro badan u gudbiyay Israa’il, isagoo safaro ugu kala baxay dalalka Giriiga, Sudan, Libiya,  iyo Isra’il.

Waxaan uu sheegay inuu haysto afar baasaboor oo uu u adeegsado safaradiisa oo dhamaantood ay yihiin kuwo ka soo baxay xafiisyada sharciga ah ee dalalkaasi. Waxaana uu cadeeyay inuu u adeegsado hadba dalka uu rabo inuu hawl ka soo fuliyo. Markii gurigiisa la baadhayna waxa laga soo saaray  qalab badan oo loo adeegsado basaasidda iyo sirdoonka.

Leave a Reply