Qiso: Maxay Ganacsatadu Amarada xuukumadaha u Dhibsadaan?

0
367

Markii Boqorku u sheegay inuu cashuurtii kordhiyay 10%, la taliyihiisa, wuxuu dareemayay in ganacsatadu ay ka hor imanayaan. maxaa yeelay waxa ku jiray raashinka iyo wixii ay dadku sida joogtad ah u isticmaalaan.

la tilayaha ayaa suuqa geliyay in cashuurtii la kordhiyay 50% , taasi oo keentay inay dadku aad uga xumaadaan oo ay isu abaabulaan in aan la yeelin oo laga hortago , cashuurtaasi qaaliga ah.

Markii dadkii ay wada gaadhay oo laba maalmood ka soo wareegtay dadku waxay ku doodayeen in laga dhigo 10% ama 15%, haddii laga badiyona aanay taasi suurtagal ahayn oo ay joojin doonaan ganacsiga.

Maalintii danbe la taliyaha ayaa dadka u sheegay inay dawladu dib isugu noqotay oo ay garatay in cashuurta laga dhigo 10%. Dadku aad ayay u farxeen waana ay soo dhoweeyeen cashuurtii mar hadii la ogaalaaday codsigoodii.

Mar kasta ganacsatadu way ka hor timaadda amarada khuseeya ganacsigooda ee ka soo baxa xukuummadda waxaana sabab u ah iyagoo isugu jira bulsho kala dano ah oo kala dakhli iyo hanti badan, sidaas darteed waa in loo sameeyaa hab ku salaysan siyaasad caqliga lagu miisaamay sida la taliyaha Boqorka.

 

 

 

 

Leave a Reply