“Cadaaladda Xaqiiqda Ayaa Lagu Saleeyaa”

0
380

Qisaska Carabta waxa ka mid ah in nin sabool ah oo lagu magacabi jiray Gathaar uu lahaan jiray  laba Dameer iyo beer yar. Ninkani ma heli karayn dakhli lacageed oo uu labada Dameer raashin ugu soo wada iibiyo, sidaa awgeed gaajo badan ayaa hayn jirtay dameeraha.

Habeenkii marka uu seexanayo wuu xidhi jiray si aanay beerta yar ee uu biishado cawskeeda aanay uga cunin, laakiin midkooda ayaa habeen dabarkii goostay gaajo awgeed, beertii ayuu habeenkii oo dhan daaqay.

Geythar   markii uu ogaaday in Dameer beertii xalay madhiyay oo caws aanu ku oolin saaka, labadii dameerba si isku mid ah ayuu u uleeyay isagoo aad usii garaacay kan xidhnaa.

Markii la weydiiyay sababta uu dameerka xidhnaa u dilayo maadaama aanu isagu beerta gelin oo aanu cunin.   Waxa uu ku jawaabay “labaduba xagga niyadda waa iskaga mid oo waxay doonayeen inay daaqaan Beerta.

Dadkii jawaabtiisa maqlay waxay yidhaahdeen: “Dameeraha ina Geythaar kan dabran baa ka xun kan daaqay”! Xikmadda qisadan yari waa in dadka qaarkood ay cadho darteed cadaalad daro ku kacaan iyagoo aan u kala saarin dadka kuwa denbiga galay iyo kuwa aan waxba galabsan. Iska Jir cadaalad baal marsan xaqiiqda sida Geythar, waayo Dameerka xidhan wuxu ku qaaday  xukun uu isugu niyadiisa ka aaminay.

Leave a Reply