QM oo Darseysa sidii Dib loogu Bilaabi lahaa Wadahadalladii Saxaaraha Galbeedka

0
344

Ergeyga cusub ee QM u qaabilsan dhulka Saxaaraha Galbeed ayaa booqasho ku maraya gobolkaasi si uu uga qiyaas qaato sida dib loogu bilaabi karo wada hadalladii u dhexeeyay Marooko iyo jabhadda xornimo doon ee Polisario.

Sida ay sheegayaan wararku ergeyga  Horst Koehler – oo hore u soo ahaa  madaxweynihii hore Jarmalka ayaa kula kulmay Isniintii  wasiirka arrimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita magaalada Rabat.

Waxa kale oo la filayaa in dabayaaqada toddobaadka uu u socdaalo gobolka Tindouf  ee Aljeeriya, halkaasi oo uu kula kulmi doono saraakiisha  Polisario iyo qaar ka mid ah qaxootiga halkaasi ku nool.

Morooko ayaa dhulkaasi ku darsatey 1975  dalkeeda oo qabsatey Saxaaraha Galbeed oo uu gumeysan jirey Isbaanishku, taasi oo soo dedejisey kacdoon   fallaago oo soo jiitamayay ilaa 1991 kii xilligaasi oo la gaadhey heshiis ay ka shaqeysay QM.

Leave a Reply