Guddoomiyaha Badhan oo Beeniyay in Laasqoray Laga Taagay Calanka Al-shabaab

0
361

Badhan(Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee bariga Jamhuuriyada Somaliland,  Cali Xuseen Maxamed, ayaa beeniyay warar sheegayay in degmada Laasqoray ay yimaadeen kooxda Al-Shabaab,waxaanu  gabi ahaanba uu warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo ay qoreen shabakado Internetka ah oo  laga leeyahay Soomaaliya oo xaqiiqada ka fog.

Waxa kaloo  uu digniin adag u diray maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo uu sheegay  muddooyinkii u dambeeyay in maamulkaasi uu ku hawlanaa sidii uu ciidammo maleeshiyaad ah uga qoran lahaa deegaanno ka tirsan gobolka Badhan,  kuwaasoo uu ku sifeeyay  inay ku doonayaan   inay   ku carqaladeeyaan  doorashada Madaxtooyada 13-ka November ee sannadkan qabsoomaysa.

Guddoomiyaha gobolka Badhan oo khadka Talefoonka ugu warramay Wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada Badhan,ayaa isagoo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay siday wax uga jiraan  wararka sheegayay  in degmada Laasqoray  ay yimaadeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaannu yidhi;  “Warkaa illaa maanta(shalay) waa la isoo waydiinayay, waana war been abuur ah oo aan jirin xaqiiqna ahayn waxaana qoray  shabakado   Soomaaliya laga leeyahay,waxaanan caddaynayaa in warkaasi uu been abuur cad yahay iska dhaaf ciidan kooxdaa ka tirsan ee qof Al-Shabaab lagu sheegay xataa ma joogo Laasqoray iyo guud ahaan gobolka Badhan.”

 

Guddoomiye Cali Xuseen  oo ka jawaabayay su’aal ahayd siday  gobol ahaan  awood ugu leeyihiin sugidda ammaanka degmooyinka gobolka hoos yimaada, waxa uu yidhi;  “Somaliland waa qaran jira oo leh ciidammadiisa  kala duwan iyo hay’adihiisa sirdoonba guud ahaan ciidammada dalkuna gobolka way ku sugan yihiin oo waxay joogaan ciidanka qaranku saldhigyadooda  gobolka Badhan.  meel kasta oo ka mid ah dalka Somalilandna ciidanka dalku difaaciisa waa u diyaar haddii la moodayo in sida caasimadda Somaliland ee Hargeysa nooga durugsan tahay in ciidankuna nooga fog yahay.”
“Ciidanka qaranku gobolka wuu jooga waanu ku filan yahay difaaca degaanka iyo dalkaba cid kasta oo cadaw ku ah dalka iyo dadkana waa u diyaar in uu ka difaaco annagoo aan sheegayn goobaha ciidanka qaranku ku sugan yahay ee gobolka waxaan dadka gobolka Badhan u sheegayaa in ay iska hubiyaan wararka been abuurka ah ee gobolka laga qorayo isla markaana kalsooni buuxda ku qabaan ciidankooda nabad gelyadana kala shaqeeyaan,”ayuu yidhi guddoomiyuhu.

 

Waxa kaloo uu  intaas ku daray inay ka feejigan yihiin qorshe ay Puntland ku doonayso inay carqaladeyso doorashada madaxtooyada gaar ahaan degaannada Badhan; “Maamulka Garoowe in badan ayuu isku dayay in uu nabadgelyada Somaliland iyo xasiloonida gobolkaba in uu carqaladeeyo taasoo u socon wayday,  iyadoo markasta Somaliland ay diyaar u tahay in ay cadaw kasta dalka ka difaacdo, laakiin imika muddooyinkii u dambeeyay waxay bilaabeen in ay magaalada Garoowe ku shiriyaan odayaal degaanka u dhashay oo ay yidhaahdaan waxaa la idinka doonayaa in aad keentaan 1500 oo dhallinyaro ah oo ciidanka la qoro taasoo dadka deegaanka iyo maamul ahaanba aanu aad uga hor tagnay kana hawlgalnay laakiin wali waxaa jira kulamadaa Garoowe ee Cabdiwali Gaas odayaasha ciidanka kaga doonayo. ciidankaas oo uu ugu talo galay in uu ku carqaladeeyo doorashada Madaxtooyada ee foodda innagu soo haysa.  markaa arrintanna waanu la soconaa waanan ka feejigan nahay dawladda dhexena waan ka wada shaqaynaynaa sidii dhibaatada Puntland laga soo maleegayo looga gaashaaman lahaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Badhan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply