Madaxweynaha Somaliland oo Kaga Qayb-galay Berbera Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Qalab Casri ah oo Lagu soo Kordhiyay Dekedda

0
355

Berbera (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo shalay gelinkii danbe ka kicitimay caasimadda Hargaysa  ayaa   magaaladda Berbera kaga qaybgalay munaasibad   shirkadda DP World ku soo bandhigatay qalabkii ugu tirada badnaa ee lagu soo kordhiyo Dekedda Berbera.

Sidoo  kale madaxweyne Siilaanyo ayaa isla shalay duleedka galbeed ee magaaladda Berbera,  waxa uu ka dhagax-dhigay dhul baaxadiisu tahay  dhawr iyo toban KM oo laga dhisayo Aagga ganacsiga xorta ah  (Free Zone-ka)  cusub ee Dekedda Berberi  ay yeelan doonto.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay wehelinayaan xubno   wasiirro iyo masuuliyiin kale isugu jira  ayaa booqashadooda Berbera, waxa uu qayb ka yahay safar madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku soo mari doonaan gobollada bari ee dalka.

Ujeeddada safarka weftiga madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay in uu la xidhiidho  sidii uu furi lahaa   mashaariic horumarineed oo dalka laga hirgeliyay iyo dhammaystirka hawlihii nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha gobollada bariga.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu ka hirgelisay magaaladda Berbera, sidoo kalena waxa uu soo kormeeray  saldhiga millatari ee dawladda imaaraadku ka dhisanayso Berbera.

Dhagax-dhiga meesha la doonayo in laga dhiso  Aagga suuqa xorta ah ee Dekedda Berbera ay yeelanayso   ayaa madaxweynaha waxaa warbixin ka siiyay wasiirka qorshaynta qaranka  Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo),  Waxaanu  yidhi “Mudane madaxweyne maanta (shalay) waxaynu dhagax dhigaynaa Free-zone-kii Dekedda Berbera, oo cabirkiisu yahay 1200 oo Higter.  Free  Zone-ku waa waxyaabaha lagu xasuusan doono, ama ay taariikhdu xusi doonto ee ku cusub saaxada Somaliland, haddii ay tahay dekad la balaadhiyaba, taakhiidu in badan ayay ku xusi doontaa.

Waxyaabaha  laga faa’iido Free zone-ka waxaa  ka mid ah shaqo abuurka, Jamal Cali (dekad ku taalla imaaraadka) haddii aynu tusaale u soo qaadabo waxa subaxii u shaqo taga boqol iyo konton kun oo qof.  Waxaa  degan todobada kun oo shirkadood, Insha Allaah, waxaynu halkan ka filaynaa in shaqaalaha ugu badan ee Somaliland  ay  ka shaqo geli doonaan.”

Madaxweynaha Somaliland  oo hadal ka jeediyay goobtii uu ka dhagax dhigay meesha loogu talogalay in laga dhiso Aagga ganacsiga xorta ah ee Dekedda Berbera ayaa mashruucaasi ku tilmaamay mid qiimo weyn u leh dalka. Waxaanu yidhi “Aad ayaan  ugu farax-sanahay in aan maanta (shalay)   dhagax-dhigo mashuucan Aagga ganacsiga xorta ah (Free zone-ka), kaasoo ahmiyad aad u weyn leh, qiimo weyn-na leh.  Insha-alaahu ILLAAHAY (SWT)  waxaan ka baryayaa in uu noqdo kii lagu guulaysto ee noqdo mid waxtar u leh qarankan iyo ummaddiisaba.”

 

Intaas ka dib, madaxweynaha iyo weftigiisu waxay gaadheen Dekedda Berbera halkaasoo shirkadda DP World ay ku soo bandhigaysay qalab ay kaga shaqaynayso Dekedda. Madaxweynaha oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay muhiim gaara u leedahay Qaranka qalabkan lagu soo kordhiyay Dekedda Berbera.

“Aad iyo aad ayaan ugu farax-sanahay in aan maanta (shalay) munaasibadan ka soo qayb galo.  Dekedda  Berbera kordhinteeda iyo horumarinteeda aad ayaan ugu farax-sanahay, Insha Allaahu tacaalaa horumarkaas aynu dalka ka samaynay  ee dekeddu samaysay waa mid dalka iyo dadku u baahan yahay,  waa mid aynu maalin-ba maalinta ka sii damabaysa ka soo kordhin doono.  Ilaahay (SWT)  waxaynu ka baryaynaa in uu inala gacan qabto,  oo guul iyo horumar aynu ka gaadhno,”ayuu yidhi madaxweynuhu.

Sidoo  kale madaxweynaha iyo weftigan uu hoggaaminayo ayaa soo kormeeray saldhiga millatari ee dawladda imaaraadka carabtu ka dhisayo  Berbera,  isagoo madaxweynuhu soo indho indheeyay  dhismaha saldhigaasi iyo  qaybahiisa kala duwan oo ay ka mid tahay deked u gaar ah saldhigaasi. Waxaana  halkaasi madaxweynaha warbixin ku siiyay khuburada ka socda imaaraadka ee gacanta ku haysa dhismeyaashaasi kala duwan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa  ayaa  ugu dambayn waxay booqdeen   marsada  Berbera halkaasoo uu   ka fureen mashaariic cusub iyo qalab casiya   oo ay keentay shirdkada DP World.

Ku-simaha madaxa shirkada DP World qaybteedda  Somaliland Mr. Superchia,  oo madaxweynaha halkaasi warbixin ku siiyay ayaa  ka xogwaramay tirada qalabka ay ku soo kordhiyeen Dekedda, kaasoo  lagu soo bandhigay barxada dekada.

Qalabkaasi ayaa   ka koobnaa 4 fork liftaro casri ah, 10 tareele oo konteenaradda qaada, 2 kalmar oo casri ah iyo10 seebaydharo oo loogu tallo galay kor u qaadidda  adeega guud ee dekada Berbera.  Mr. Superchia waxa kaloo uu sheegay in muddadii koobnayd ee ay gacanta ku hayeen Dekedda in  ay ku talaabadsatay  horumar mug leh oo dhinac kasta ah.  iyadoo  60%   uu kor u kacday adeega dekada ee dejinta koontiinarada.

Halka  sidoo kale-na  dakhliga adeega dekada uu gaadhay halkii u saraysay abid intii Dekedda Berbera ay  jirtay. Waxaanu  xusay masuulka u hadlay DP World  in ay gacan weyn ka geystaan horumarinta adeega bulshada ee gobolka Saaxil sida caafimaadka, biyaha iyo waxbarashadda.

Ugu danbayn, madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta wasaarada Maaliyadu ay dhisatay magaaladda Berbera dhismahaasi oo ah dhisme ka kooban laba dabaq ah.

Dhinaca  kale wasiirka wasaarada madaxtooyada   Maxamuud Xaashi Cabdi,  oo halkaasi ka hadlay  ka war bixiyay u jeedadda safarka madaxweynaha,  waxaanu yidhi “Weftigan  madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu hor-kacayo, u jeedadda  ugu  weyn ee aanu u soo baxnay waxay tahay   laba arrimood.  In  madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa u kuur-galaan, mashaariic waaweyn oo wadanka laga fuliyay,  xadhigana uu  ka jaraan, qaar-na dhagax dhigaan.  Sida Free Zone-kii, oo faa’iido weyn u leh qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ku jiraa  wakhtigii ugu dambeeyay ee muddo xilikeedkiisa ayuu ku jiraa, tacabkii ay beereen midhihiisii soo baxay in aanu indho-indhayno oo isha ku dhufano, oo aragno aad iyo aad ayay muhiim u tahay, shacabka-na  aanu marag gashano.” ayuu yidihi wasiir  Maxamuud Xaashi.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa xalay u hoyday magaaladda Berbera, iyadoo la filayo in ay maanta uga sii gudbaan dhinaca gobolka Togdheer halkaasoo uu madaxweynuhu xadhiga ka jari doono mashaariic kala duwan oo gobolkaasi laga hirgeliyay.

Waxaana lagu wadaa in  madaxweyne Axmed Siilaanyo  uu maalmaha soo socda Burco uga sii gudbi doonno gobolka Sanaag, halkaasoo uu xadhiga jari doonno qayb ka mid ah jidka Laamaiga ah ee isku xidha goboladda Togdheer iyo Sanaag oo la dhamays tiray.Weftigan uu madaxweynuhu hogaaminayo waxaa xubno ka ah marwadda kowaad ee qaranka, wasiirradda madaxtooyada, maaliyadda, qorshaynta qaranka iyo masuuliyiin kale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply