Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland la Kulmay Madaxda Hay’adda FOA

0
352

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley Madaxa hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Daniele Donati iyo saraakiil kale oo isla hay’addaas ka tirsan.

Kulankan oo lagu lafo-guray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka hay’adda FOA iyo Somaliland ka dhexeeya, gaar ahaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ay wada shaqaynta tooska ah leeyihiin sida Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Deegaanka, Beeraha, qorshaynta iyo horumarinta qaranka iyo Hay’ adda u-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, iyada oo laga wada hadlay sidii FOA ay qayb uga noqon lahayd dedaalka iyo horumarinta ay xukuumadda Somaliland ugu jrto dhammaan horumarinta hay’addaha kala duwan ee qaranka.

Waxa kale oo iyana laga wada hadlay sidii ay FOA qayb uga noqon lahayd gacanna uga geysan lahayd xaaladda abaarta ee gobolada dalka qaar ku soo noq-noqotay, waxaanay madaxda hay’addaaasi ballan qaadeen inay dhammaan arrimahaasi oo dhan gacan ka geysan doonaan, dedaal dheeraadana gelin doonaan, isla markaana ay Somaliland ay u yimaadeen libin-laabidda dedaalkooda.

Kulankaasi waxa madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinaayey wasiiradda, wasaaradaha Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Cawaale ibrahim Shirwac iyo agaasimaha guud ee beeraha, Mudane Maxamed Cilmi Aadan(ilkacase).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply