Nuxurka Dacwad Xukuumadda Somaliland ka Gudbisay Idaacada VOA

0
368

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waraaq dacwad ah ka gudbisay laanta AfSoomaaliga ee Idaacadda VOA ,sida ay baahisay Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA.

Waraaqdan dacwada ah oo ka soo baxday 18 kii bishan March xafiiska wasiirka wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) waxa lagu socodsiiyay ku simaha Agaasimaha Qaybta Africa ee VOA Scott Stearns, iyo Madaxa laanta Af Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow. Waxa xukuumaddu ay sheegtay in idaacada VOA ay wado dhex dhexaad la’aan iyo dheelitir la’aan ay kaga xagliso Jamhuuriyadda Somaliland.

Warqadan ayaa lagu sheegay in badhtamihii sannadkii 2017kii Jamhuuriyadda Somaliland u dirtay VOA cabashooyin in ka badan saddex jeer, kuwaasi oo aan waxba laga beddelin habkii ay idaacadaasi wax uga baahinaysay Somaliland.

Siday werisay Wakaallada SOLNA, Waxa warqada lagu xusay barnaamijkii dooda ahaa ee 15 March ka baxay ka laanta Af Soomaaliga ee ku saabsanaa heshiiskii Dekedda Berbera ee ay wada galeen DP World,Somaliland iyo Ethiopia, taasi oo ay ka muuqatay in loo xaglinayo dadkii ka soo horjeeday heshiiskaasi ee dhinaca Somalia. Xukuumaddu waxay ku eedeyaysay in doodaas ay idaacadu soo wada qaadatay dadkii heshiiska ka soo horjeeda oo kaliya balse aanay jirin cid taageersan heshiiska oo la sii daayay.

Ugu dambayn waxa xukuumaddu sheegtay inay waajib tahay in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii xukuumadda Somaliland iyo VOA-da.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply