Xukuumadda Somaliland oo ku Dhawaqaaday Bilawga Qorshaha Wax-soo-saarka Beeraha Amarna ka soo Saartay Siidhadhka Dibeda Laga Keeno

0
361

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday xilliga kama dambaysta ah ee dalka laga bilaabayo barnaamijka xukuumadda ee wax soo saarka beeraha iyo qorshayaasha kor loogu qaadayo wax beerashada.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sharraxay tallaabooyinka ay qaadayaan, kuwaas oo lagama maarmaanka u ah in dalku yeesho wax soo saar dhanka beeraha ah oo najaxa, oo ay ka mid tahay in la mamnuuco siidhadhka dalagyada kala duwan ee dalka dibadiidsa laga keeno iyo in Hay’adaha gargaaru raashinka ay bixiyaan ee ay ku soo beegan xilliyada beeralayda Somaliland dalagyadu u soo go’aan oo ay raashin dibedda ka keenaan.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Axmed Muumiin Seed oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Dawan, ayaa sheegay in soddonka maalmood ee soo socda ay bilaabayaan wax soo saarkii beeraha , waxaanu xusay in ay tahay Siyaasadda koowaad ee xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in la helo cunto dalku leeyahay oo lagaga maarmo in badan in dibedda wax lagaga soo dego. .

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa go’aan adag iska taagay in xilligii dalagga beeruhu u soo go’i lahaa beeralayda Somaliland inay hay’adda FAO iyo Waddamada qaadhan bixiyaashu ku soo beegaan waxa ay dalka u qaban lahayeen oo ay wakhtigaas keenaan raashin kaalmo ah.

Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in xukumadda ay go’an tahay horumarinta iyo wax soo saarka dalka waxaanu yidhi “Siyaasada kowaad ee Xukumadda ayaa ah in wax soo saar la sameeyo dhinaca beeraha, waxa aanu soddonka maalmood ee soo socda bilaabaynaa wax soo saarka dhulka.”

Wasiirka ayaa tilmaamay in siidhku meelo badan ka soo galo dalka, waxaauu xusay in aan la isticmaali karin siidh aan Wasaaradda beeraha soo marin “Wadamada jaarka ee Afrika meel walba siidh ayaa innaga soo gala, arrintaana waxa aan ka soo saarnay qoraal, waxaa shaqaynaya siidhka soo mara wasaaradda horumarinta beeraha oo uu shaybaadhkii lagu baadhi lahaa yaalo oo illaa la baadho aan loo qaybin karin deegaanada Somaliland, Burco waxa aanu ku soo qabanay siidh uu ciidanku naga gacan siiyey markii ay baadheen khubarrada Wasaaraddu intii saxda ahayd waanu sii daynay intii kalena waanu qabanay” ayuu yidhi.

Wasiirka oo ka hadlayay nuxurka iyo qodobada ay ka wada hadleen Madaxa hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland, Mr. Daniele Donati iyo saraakiil kale oo socdaal shaqo ku yimi Somaliland, ayaa yidhi Waxa uu u yimi in aannu tusno mashaariicdii hore ee ay Somaliland ka fuliyeen meelaha ay wax ka qabteen iyo sidii loo kordhin lahaa hawlaha horumarinta beeraha , waxa aanu isla garanay in aannu u saarno kooxo farsamo oo labadayada dhinac ah (FOA iyo Wasaaradda beeraha) si aanu uga wada xaajoono arrimaha deg-dega ah ee aanu u baahanahay in ay wax nagala qabtaan oo ay ka mid tahay sidii biyaha socda loo qaban lahaa, sidii wax soo saarka loo kordhin lahaa , sida oo kale waxa aanu kala hadalnay in Mashaaricda aanay kor nagaga keenin laakiin muhiimadda annaga nala siiyo oo aanu la wadaagno, madaama aanu garanayno baahida muhiimka ah.”

Waxaa kaloo uu ka hadlay Wasiir Seed sida ay wasaarad ahaan u illaalinayaan xilliga beerlayada Somaliland uu dalagu u soo go’o in ay suuq u helaan isla markaana uga xakamaynayaan raashimada kaalmada ah ee Hay’aduhu dibedda ka keenaan oo suuq xumaad badan ku haya dalagga beeralayda u soo go’a.“ Raashinka caawimada ah ee imanayay marka ay dadku dalagga la soo baxaan waxa aanu ka yeelanaynaa siyaasad oo arrinta hoos ayaanu u eegaynaa , waxa weeye marka ay baahi jirto in ay inoo qabtaan waxa ay qaban karaan, balse marka uu dalaggeenu soo go’o waa in dadkeenu suuq u helaan oo ay u iib geeyan.”

By. Siciid Cagjar

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply