Nuxurka Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
272

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, kulankaasi oo ahaa mid loogu gogol xaadhayo qabsoomidda doorashooyinka sannadka soo socda la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Kulanka madaxweynaha iyo xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka ee dalka ku soo foolka leh iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha dhinaca doorashada ah ee taagan.

Xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha uga xog-warramay halka ay wax u marayaan, iyaga oo sidoo kale wadaagay xogo ku saabsan deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka, waxaanay xaqiijiyeen inay dhinacooda meel wanaagsan marinayaan dedaalka ay ugu jiraan inay farsamo ahaan dhammaystiraan oo diyaariyaan jawi lagu hirgelin karo doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo sanadka soo socda dalka ku soo fool leh.

Ugu dambayntii xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey dedaalka uu ugu jiro in aanay dib u dhicin doorashooyinka dalka ka qorshaysani iyo sida uu diyaarka ugu yahay inuu meesha ka saaro dhammaanba caqabadaha doorashooyinka hor taagan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply