“Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Dalku Waxay ku Qotontaa Afar Tiir” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

0
278

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in siyaadda arrimaha dibadda ee xukuumaddiisu ay tahay mid ku salaysan ilaalinta iyo xoojinta deris-wanaaga iyo xaqdhawrka dalalka jaarka ah ee mandaqada.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in qorshaha xukuumaddiisa ee siyaasadda arrimaha dibeddu ay ku qotonto afar tiir oo waawayn, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin in ay Jamhuuriyadda Somaliland Ictiraaf buuxa ka hesho beesha caalamka iyo sii xoojinta xidhiidhka wadammada deriska ah, sida urur gobolleedka IGAD, Midowga Africa, wadamada Carabta, ururka dalalka Islaamka, Midowga Yurub, iyo Caalamka oo dhan.

Sidoo kale, tiirarka udub dhexaadka u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa ka mid ah in ay Somaliland hesho taageero dhaqaale oo dalka lagu horumarinayo (Bi-lateral and multi-lateral support) iyo in Jamhuuriyadda Somaliland ay hesho maalgashi caalami ah oo toos ah (Direct, Foreign Investment).

Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo sharraxaad ka bixinayay siyaasaddiisa arrimaha dibada, mar uu golaha baarlamaanka Somaliland u jeedinayay khudbaddiisi dastuuriga ahayd, waxa uu yidhi “Siyaasadda arrimaha dibedda ee dalku waxay ku qotontaa afar tiir oo kala ah; in la helo Ictiraaf Caalami ah. In la sii xoojiyo xidhiidhka aynu la leenahay wadammada deriska ah, Urur Gobolleedka IGAD, Midowga Africa, Wadamada Carabta, Ururka Dalalka Islaamka, Midowga Yurub, iyo Caalamka oo dhan. Inay Somaliland hesho taageero dhaqaale oo dalka lagu horumarinayo (Bi-lateral and multi-lateral support) iyo in ay Somaliland hesho Maalgashi Caalami ah oo toos ah (Direct, Foreign Investment).”

“Siyaasadeenna arrimaha dibedda waxa sal u ah deris-nimo wanaag iyo is-xaq-dhawr, waxaannu mar-walba diyaar u nahay, oo hiil u nahay sugidda ammaanka, ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Gobolka iyo Caalamkaba.

Shacabka reer Somaliland waayo-arag bay ku yihiin dhibaatada iyo qadhaadhka colaadaha iyo sidoo kale wanaagga iyo qiimaha ay nabaddu leedahay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sharraxaad ka bixiyay safaraddii shaqo ee muddadii uu xilka hayay uu ku tagay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxaanu iftiimiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda dalalkaasi iyo qodobaddii ay isla qaateen, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Muddadii koobneyd ee aan xilka hayey, waxaan safarro shaqo ku tagay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta. Waxaannu saddexda dawladood ka wada-hadalnay xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee innaga dhexeeya.

Waxaannu isla garanay in la sii xoojiyo xidhiidhkeena dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo dhaqan-dhaqaale. Waxa kale oo aannu si cad u gadhsiiney in Somaliland tahay dal buuxiyey shuruudihii Qarannimo. Sidaa darteed, ay xaq u leedahay in la ictiraafo. Waxaannu uga mahad-naqaynaa Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta sidii sharafta lahayd ee ay u qadariyeen iyo milgaha ay siyeen waftigeenii.”

Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda Imaaraadka Carabta ku bogaadiyay hiilka badheedhka ah ee ay isla garab taageen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ku ammaanay sida ay ugu soo dhiiratay maalgashiga dekeda Berbera, waxaanu yidhi “Dawladda Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadnaqaynaa inay ku soo dhiiratey maalgashiga dalkeena. Shirkadda DP World balaadhinta iyo casriyeynta ay ka bilaabayso Dekedda Berbera, waa talaabo horumarineed oo u soo korodhay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Gobolkaba.

Dawladda Imaaraadka Carabta, madaxdooda iyo shacabkoodaba waxaan uga mahadnaqaynaa hiilkii badheedhka ahaa ee ay isla garab taageen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Iyaga oo warbaahintoodu gaadhsiisey Caalamka oo dhan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee dalkeena ka socdo.”

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay wada-xaajoodkii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya oo markii hore la qorsheeyey iney bilaabmaan 19-kii March, 2018, waanu joojiney, sababta oo ah Xukuumadda Muqdisho ayaa weerar qaawan ku soo qaadey Qarannimaddeena.

Nimanka Muqdisho jooga ee weerarka qaawan soo qaaday, sharciyan Caalamka oo dhan baa og in aynaan shaqo ku lahayn waxa ay dhisteen. Xasan Sheekh Maxamuud waxa doortay wufuud ka kala socotay afar Maamul-goboleed, halka Farmaajo ay doorteen ergooyin ka yimid lix Maamul-goboleed. Jamhuuriyadda Somaliland, ilaa 1991-kii, marna waxa halkaa ka socda shaqo kuma lahayn, caalamkuna wuu og-yahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply