Golaha Guurtida oo u Codeeyay Difaaca Qaranimada Somaliland

0
280

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa sheegay in ciidamo iyo Tikniko ay ku jiraan Kaarayaal ay Soomaaliya soo dhoobtay xadkada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu golaha ku wargaliyay inay taageeraan hadalkii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ka dhanka ahaa Soomaaliya.

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa cod gacan tag ah ku meel mariyay in la taageero difaaca qaranimada Somaliland, islamarkaana weerarkasta oo kaga yimaada Soomaaliya ay bulshada Somaliland u diyaar garoobaan, oo ay garab istaagaan xukuumadda Somaliland.

Waxaanu sidan ka sheegay gudoomiye Saleebaan kalfadhigii shalay ee golaha guurtida oo lagaga hadlayay cadaawadda dawladda taagta daran ee Soomaaliya ay u muujisay Somaliland.

Fadhigan waxaa ka soo xaadiray 46-mudane oo ka mida 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay, waxaana cod gacan taaga ah ay ku taageereen hadalkii madaxweynuhu ku dhaliilay dawladda Muqdisho, kuna taageerayay difaaca qaranimada Somaliland, waxaa u codeeyay 44 mudane, 1 mudane ayaa ka aamusay, gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayaanu ansax ku noqday.

Intaas kadib gudoomiyaha ayaa sheegay in daadaansiga iyo gardarada ay Soomaaliya ku hayso qaranka Somaliland uu wali socdo, waxaanu guddoomiye Saleebaan ku macneeyay inay tahay mid ay ku diidan yihiin horumarka iyo nolosha qarankani gaadhay.

Gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Dawladda Muqdisho Ciidamo ayay wali soo dhoobeysaa, kaarayaal ayay keensadeen xuduuda, ciidankeenuna waa uu ku filan yahay difaaca qaranka, dadweynahana inaynu ku baraarujino ayaa waajib inagu ah xaalada wadanku ku sugan yahay, mudanayaashoodii ayaynu nahay, xilkaasina waa mid ina wada saaran, beesha caalamka ayay dacwad u gudbiyeen Insha Allah laga yeelimaayo.”

Sidoo kale gudoomiye Saleebaan waxa uu isdul-taagay oo farta ku fiiqay in gardarada iyo daandaansiga ay Soomaaliya ku hayso Somaliland uu wali taagan yahay waxaanu yidhi “Gardaradii iyo daandaasigii Soomaaliya ay ku haysay Somaliland wali wuu socdaa, waa gardaradaa in nolosheena iyo horumarkeena uun ay hortaagan yihiin, sababtoo ah waxa kaliya ee ay inaga xaasidayaan waxa weeye in aynu wadankeena u taliney oo horumar la raadiney, wax lur ah oo aynu iyaga ku heynaanaa ma jiro, intaasi waynu u duceynaynaa, maantana waynu u duceynaynaa.”

Guddoomiye Saleebaan waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ba’an ee siyaasadeed ee ka dhex aloosan daw;adda Muqdisho iyo baaralamaankeeda, waxaanu yidhi “Iyagii ayaa qaybsan oo isu haya dawladii iyo xildhibaanadii Baarlamaanka, waa ba kuwan joojiyay oo timihii sida dumarka ay isu jiidi lahaayeen, waakan soo kala dhex galay madaxweynahoodii ee yidhi waar bal ha la joojiyo Illaaahey ha kala furto, inaguna waxa aynu ka codsaneynaa inay lurka inaga daayaan. Berbera iyaga lur kuma heyso, inaga ayay inaynu wax-qabsano oo horumar gaadhno inoo diidan yihiin inaynu nabad ku wada noolaano. ma sidooda ayay ina la rabaan, Illaahey kama dhigo kulankan aynu isugu nimidna waxa uu yahay inaynu garab iyo gaashan xukuumadda u noqono, waxaa u weyn ee u noqdaana waa labada gole qaran, waxaan soo jeedinayaa inaynu ayidno, hadalkii madaxweynaha ee shalay ee saameynta madax banaanideena iyo dekadda Berbera oo aynu gacanta u taagno”

Intaas kadib gudoomiye Saleeb waxaa uu ku dhawaaqay inta mudane ee taageertay hadalkii madaxweynaha waxaanu yidhi “Waxa aynu ku fadhinaa 46 mudane, 44 mudane way ogolaatay, 1 xildhibaanana waa ka aamusay, ana maan codaynin, sidaasi ayuu ansax ku yahay taageeradii madaxweynaha”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply