Mashruuc Todobaatan Cisho Socday oo Hay’adda Shaqaalahu soo Af-jartay

0
298

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha ha’ayadda Shaqaalaha dawladda Somaliland Md , Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey hawl qabadkii lagu kala oganaayey xil gudashada shaqaalaha dawladda, caaglaha iyo caajiska ku jira shaqaalaha qaranka, kaas oo lagu magac daray tirinta iyo tayanta shaqaalaha dawladda.

“Waxaa maanta oo Axad ah (shalay), taariikhduna tahay 01/04/2018 si habsami ah u soo dhammaaday hawl-qabadkii hay’adda shaqaalaha dawladdu ku gaadhaysay gobol, guri iyo geed walba taasi oo looga gol lahaa tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo, ayuu yidhi Guddoomiye hay’adda shaqaalaha Sharmaake Geelle oo arrintaasi ka hadlayay.

Guddoomiye Sharmaake Geelle ayaa sharaxay inta ay hawshan wadeen, meelaha ay gaadheen iyo waxyaabaha ay ku soo arkeen , waxaana uu yidhi “Intii hawshu socotay, waxa aanu gaadhnay xubin iyo xarun walba oo shaqaale dawladeed joogo, waxa aanan soo ogaanay xaalka iyo xirfadda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kala duwan ee dawladdu. Waxa aanan soo aragnay baahi, baylah iyo barkhad inta ay qabaan”

Guddoomiyaha ha’ayadda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in si hufan loo buuxin doonno jagooyinka ay ka baxeen dadkii la waayey ama cagalaayasha ahaa “Ka sakow diiwaangelinta shaqaalaha dawladda, waxa aanu soo helnay inta caagle iyo caajis shaqaalaha dawladda ku jiray, kuwaas oo si hufan loo buuxin doonno. Waxaan u mahadcelinayaa; hawl-wadeennadii sida naf-hurnimada leh geedi, galab-carow iyo guuro u galay in ay gaadhaan gobol iyo goob walba iyaga oo aan hagrasho, habrasho, hiif iyo haraad midna lahayn”

Sharmaake Geelle Waxa uu sheegay in ay muddo todobaad ah siinayaa cid walba oo dib u eegis u baahan ama cabasho qabta “Maalinta Salaasada oo ku beegan 3/04/2018 ilaa Arbacadda toddobaadka dambe oo ku beegan 11/04/2018, waxa aanu dib u eegis ku samayn doonnaa cid walba oo dib u eegis u baahan halkaas oo toddobaadka dambe 11/04/2018 si rasmi ah loo soo xidhi doonno hawl-qabadkan isla markaana la bilaabi doonno xog-xarayntii “Data Entry” iyo kala haadintii “Data Analysis” ayuu yidhi .

Mashruucan tirinta iyo tayenta shaqaalaha ayaa uu Madaxweynaha Somaliland Md: Muuse Biixi Cabdi uu furay 22-kii January ee sannadkan 2018 ka oo ku siman muddo 70 cisho ah , waxaanay noqonaysaa markii ugu horaysa ee shaqaalaha dawladda lagu diwaan geliyo nidaamka casriga ah ee lagu diwaan geliyo dadka kaas oo loo yaqaan “Biometric Registration “

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply