“Odayaasha dhaqanka Puntland ayaa noo qabtay muddo siddeed iyo afartan sacadood ah oo maanta ku eg” Cali Axmed Maygaag

0
365

Hargeysa (Dawan)- Oday Cali Axmed Maygaag oo ah waalidiinta mid ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland ee afduubka loogu haysto maamul goboleedka Puntlan iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Xuseen ayaa ka hadlay laba dhallinyaro ah oo muddo lix cisho ah ay kooxo hubaysani afduub ugu haysteen deegaanno ka tirsan Ismaamulka Puntland ee dalka Soomaaliya .

Eng: Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa sheegay in arrintan afduubka dhalinyaradan reer Somaliland, xilkeedu uu saaran yahay shacabka iyo madax dhaqameedka reer Puntland, waxaanu shacabka reer Somaliland uga digay in ficilka ay sameeyen mid la mid ah aanney samayn.

“Afduubka lagu sameeyey labada dhallinyarada ah ee Passport-ka doontay, xilkeedu wuxuu saaran yahay madaxdhaqameedka iyo shacbiga Puntland, halkan (Somaliland) waxa jooga niman taajiriin ah oo reer Garoowe ah, haddaynu falkan xun oo kale aynu samayno waa la kala guranayaa, anigu dadkaa reer Garoowe waxaan u aqaanay dad sharafta iyo xeerka Soomaalida yaqaana, xaga siyaasada aanu ku kala qaybsanaanee arrinta xilkeedu iyaga ayuu saaran yahay,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale Wargeyska Dawan, ayaa xidhiidh la sameeyey waalidinta labada wiil oo magacyadooda lagu sheegay Cabdiqaadir Axmed Guleed iyo Xamse Maxamed Axmed (Tima-cade), waxaanay sheegeen inuu jiro wada xaajood u dhaxeeya Madax dhaqameedka reer Puntland iyo ehelada labadan wiil.

Cali Axmed Maygaag oo adeer u ah Xamse Tima-cade, ayaa wargeyska Dawan uga waramay halka ay wax u marayaan, waxaanu yidhi “Weli wax war ah lagama hayo, marka laga reebo oday dhaqameedyo reer Puntland ah oo nagu yidhi annaga ayaa hawshan gelayna oo muddo siddeed iyo afartan sacadood ah noo qabta.”

“Maamulka Garoowe ee ciidanka soo dhoobaaya Tukaraq, waxaan leeyaha Soomaaliya uma baahna dhiig, Uma baahna dagaal, ee nolol bay u baahan yihiin, waxaan leeyahay Ismada Puntland oo aan aad u ixtiraamo waxaan leeyahay arrintan ka fiirsada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply