“Madaxweynaha Waan ku Taageerayaa Wax-qabadka Fiican Aniga oo ka Tirsan Waddani”

0
259

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in uu madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku taageerayo waxqabadka fiican ee uu fuliyay, isaga oo ka tirsa xisbiga Waddani.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), sidoo kale waxa uu ka jawaabay haddalo ka soo yeedhay xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo ka tirsa xisbiga Waddani, kaasi oo ku ee deeyay xukuumadii madaxweyne Siilanyo in ay hawada Somaliland ku wareejisay dawlada Soomaaliya.

Xildhibaan Nacanac oo shalay u waramayay wargayska Dawan ayaa waxa uu sheegay in aan waxba ka jirin in hawada Somaliland maamul keeda xukuumadda Mdaxweyne Siilaanyo ku wareejisay dawlada taagta daran ee aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya.

Axmed Maxamed Diiriye oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan ka jawaabo hadalo ka soo yeedhay xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo sheegay hadal aan munaasib ahayn oo uu ku ee deeyay xukuumaddii madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in ay ku wareejisay hawada Somaliland dawlada Soomaaliya, waxaana aan leeyahay waxba kama jiraan in hawada Somaliland xukuumadii Siilaanyo siisay dawlada Soomaaliya.”

“Xildhibaankaasi wax aan jirin ayuu sheegay oo waxa uu meel kaga dhacay madaxweynihii hore ee Somaliland. Axmed Siilaanyo maaha nin wax laga sheegi karo, sababta oo ah waa Mujaahid dalkiisa u soo shaqeeyay, waana been oo hawo uu bixiyay majirto, Madaxweyne Muuse Biixi waan ku taageerayaa waxa fiican ee uu qabtay anigoo ka tirsan xisbiga Waddani. Madaxweynuhuna wax badan ayuu qabtay oo ay ka mid tahay DP World iyo xaaladda dalka oo meel wanaagsan maraya, miisaaniyad fiican baa dalka loo sameeyay oo kharash loogu daray macalimiinta iyo ciidamada, markaa waxaan leeyahay madaxweynuhu aad buu u wanaagsan yahay ee halkaas ha sii wado. ”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply