Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo Xilka la Wareegay

0
336

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) ayaa shalay xilka u kala wareejiyay agaasimihii guud ee hore ee wasaaradaasi iyo agaasimaha cusub ee dhawaan madaxweynuhu soo magacaabay.

Munaasibadda xil wareejinta oo ka dhacday hoolka wasaaradda warfaafinta waxa ka soo qayb galay wasiirka warfaafinta, wasiir ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye, agaasime-waaxeedyadda wasaaradda warfaafinta iyo sidoo kale shaqaalaha wasaaradaasi.

Wasiirka warfaafinta oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa ku amaanay agaasimihii hore khibradda iyo aqoonta uu u lahaa shaqadda warbaahinta iyo sidoo kale waxa uu ka filayo agaasimaha cusub, waxaanu yidhi “Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradan warfaafinta Xasan Cumar Hoori, oo muddo dheer aanu wada joognay, waa nin qiimo iyo qaayo leh, oo aqoontiisu ay tahay mid wasaaradu ay u baahan tahay.

Hadana xilku waa meerto, waxaana laga yaabaa in meel kale oo looga baahan yahay la geeyo, mana filayo in uu naga durki doonno.

Agaasimaha cusub si wanaagsan ayaan u soo dhawaynayaa. Aniga aqoon hore nagama dhaxaynin, haseyeeshee inta aan ka hayo ee aan dhegta ka maqlay ma hayo qof dhaliilay, amaan mooyee. Kol haddii ay sidaas tahay, waxaan leeyahay Khadan baa inoo soo kordhay”.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Muuse Abees, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay laba masuul oo ku astaysan hawl karnimo iyo aqoon shaqo labadda agaasime ee xilka la kala wareegay.

“Waxaa dhacda in qofka bani’aadamka ah mararka qaarkood ay xulashadu ka qaldanto, anigana maanta (shalay) wuu iga qaldan yahay. Labadan nin (labada agaasime), labadaba aad abaanu isugu dhawnahay, mid aan doorto iyo mid aan ka tago, garan maayo” ayuu yidhi Maxamed Muuse Abees.

Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda warfaafinta Xasan Cumar Hoori, oo hadal ka jeediyay munaasibadan uu xilka ku wareejinayay ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu agaasimama ka ahaa wasaaradaasi iyo kuwa u baahan in la dhamaystiro.

Waxaanu sheegay agaasimaha xilka kala wareegay uu u arko shaqsigii ugu haboonaa ee isaga bedeli lahaa, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo, isla markaana uu ka filayo in waxyaabihii uu sii diyaariyay in uu halkaa ka sii ambaqaadi doono.

Xasan Cumar Hoori, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Agaasime Cali Maxamed Cali, waan aqaanaa, waa nin aanu isla soo kornay, saaxiibo ayaanu nahay, waa nin aanu ehel nahay, dadkoo dhan ayaanu iska xignaa.

Waxaanan hubaa xilkan nin u qalma in uu yahay, waxaanan filayaa in uu aniga igaga fiicnaan doonno, waxaan hubaa in isaga iyo shaqaale weynuhu ay wada shaqayn doonaan.

Wixii aan anagu sii diyaarinay, oo waxqabadkii xukuumadda ee sanadkan in ay ku biirto aanu rabnay, oo fara badan, waxaan hubaa in masuulkan xilka igala wareegayaa kii ka soo bixi lahaa uu yahay”.

Geesta kale agaasimaha cusub ee wasaaradda warfaafinta Cali Maxamed Cali, ayaa qiray in agaasimihii hore Xasan Cumar Hoori, uu yahay macalinkiisa, isla markaana ay waxyaabo badan wadaagaan, waxaanu yidhi “Xasan Cumar Hoori, inta uu anaiga iga sheegayba waa run. Laakiin mid aan run ahayn ayuu ku darayoo, wuxuu yidhi waanu soo wada kornay, sidaas ma aha ee Xasan aniga wuu i soo koriyay. Tobankii sanadood ee u danbeeyay ninka Af-ka Soomaaliga i baray ee aan agtiisa fadhiisan jiray waa Xasan.

Nin aan sidaas ku kala tegayno ma aha, waan sii wada joogi doonaa, isaga ayaana i toosin doona, wixii iga qaloocda” ayuu yidhi agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply