Imaaraadka oo Sheegay in Dawladda Muqdisho ay Wiiqayso Xidhiidhkii Laba Dhinac

0
307

Dubai (Dawan)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay warbixin ka soo saartay diyaaradii lacagta u siday safaraadda Imaaraadka Carabta Muqdisho ee ay ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Wargeyska Khaliij Times oo ka soo baxa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa shalay daabacay qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadku ku naqdiday diyaarad dalkeeda laga leeyahay oo siday lacag dhan 9.6 Milyan oo doolar taas oo lagu baadhay madaarka Muqdisho ee xarunta waddanka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa waxa lagu sheegay in uu falkaasi ahaa mid ula kac ah, si aad ahna ay u cambaareynayaan dawlad ahaan dhankooda, lacagta Diyaaradda saarneydna ay ahayd mid loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya.

Dawlada Imaaraadka Carabtu waxay ku sheegtay warbixinteeda in Saraakiisha ammaanka Soomaaliya ay si arxan darro ah ula dhaqmeen rakaabkii Diyaaradda saarnaa, waxa kale oo ay ku tilmaameen in Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay qaateen lacag caddaan ah taas oo qayb ka ahayd lacagaha loo qoondeeyey inay dawlada Imaaraatku Soomaaliya ku caawiso.

Dawlada Imaaraadka ayaa sheegtay in falka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu ahaa mid habdhaqankiisu ahaa sharci daro , kaas oo jebinayey shuruucda caalamiga ah, sidoo kalena ay muhiim tahay in la ilaaliyo xidhiidhka labada dal, waxaana ay caddaysay in falkaasi uu nusqaan ku yahay heshiis ay sannadkii 2014kii la galeen dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya.

“Tallaabadani waa tallaabo sharci darro ah oo ka soo horjeeda qawaaniinta diblomaasiyadeed ee aasaasiga ah kaas oo u dhaxeeyey labada wadan, sidoo kalena jebinaya qodobbada Heshiiskii Is-fahamka ahaa ee ay kala sexeexdeen labada wadan Novembar 2014” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibada ee Imaaraadka Carabta oo uu daabacay wargeyksa Khaliij Times.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply