Somaliland oo Shirka Maalgashiga Adduunka ku soo Bandhigtay Fursadaha Dalkeena

0
279

Dubai (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shirka maalgashiga adduunka ee ka soconaya magaaladda Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ku soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee dalkeena ka jira, ilaha dhaqaale iyo khayraadka dihin ee ay Somaliland leedahay.

Shirkan oo ah mid sanad leh ah waxaa ka qayb gelaya in ka badan 141 wadan iyo sidoo kale khubarro heer caalamiya oo ku takhasusay maalgashiga shisheeye ee tooska ah.

Sidoo kale shirkaasi ayaa wadan waliba waxa carwo u gaara uu ku soo bandhigaa fursadihiisa maalgashi, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland xubnihii ka socday madasha shirkaasi ka dhacayo ay ku soo bandhigeen meelaha ugu muhiimsan ee u baahan in la maalgashado.

Waxaana Somaliland shirkan u metelaya wefti uu hogaaminayo wasiirka horumarinta maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, waxaanu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay Somaliland ku soo bandhigtay shirkaasi, waxaanu yidhi “Shirkan waxaa ka soo qayb galay khubaradda ku caanka ah maalgashiga shisheeye ee tooska ah. waxa kaloo qabtaa in uu shirku socdo carwooyin waaweyn, 535 ardaa ayaana loo qaybiyay, iyadoo ardaa ka midana la siiyay Somaliland oo aanu ku soo bandhignay waxyaabaha aanu doonayno in dadka tujaarta ah ee lacagta haysta ee maalgashiga diyaarka u ah in aanu uga sheekayno fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira”.

Wasiirka Cawad, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay carwadda laga siiyay shirkaasi ku soo bandhigeen. “Waxaanu diyaar garawga shirkan bilawnay bishii 1aad ee sanadkan. Waxaanu soo bandhignay waxyaabaha aanu doonayno in dalkayaga laga maalgashado, oo ay ugu horayso Korontadda, Macdanta, kaabeyaasha dhaqaalaha, Beeraha iyo waxyaabo kale oo aanu macluumaadkoodda sii diyaarinay. Kuwaasoo aanu ku sharaxnay Ardaaga lanaga siiyay carwadda, si aanu dadka maalgashadeyaasha ah ugu qancino in ay dalkayaga maalgashadaan” ayuu yidhi wasiirka horumarinta maalgashiga oo shalay BBC la hadlay isagoo ku sugan magaaladda Dubai ee shirku ka socdo.

Geesta kale shirkan ku saabsan maalgashiga aduunka ayaa sanadkan hal-ku-dheg looga dhigay isku xidhka suuqyadda horumaray iyo kuwa soo if-baxaya. Wasiir Cawad ayaa sharaxaad ka bixiyay natiijadda ay ka filayaan in ay shirkan kala soo noqdaan, waxa uu yidhi “Siyaasiyiinta iyo khubaradda kale ee aadka ugu takhasusay maalgashiga shisheeye ee tooska ah, ee shirkan ka qayb galaa shirar doceedyo ayay yeeshaan, shirar doceedyadaasina waanu ka qayb galnay, waanan ka wadahadalnay, waxaanan tusaynay khubarada fursadaha maalgashi ee ka banaan dalkayaga iyo siduu u yahay dal weli dihin.

Waxaa hal-ku-dheg u ahaa shirka sanadkan isku xidhka suuqyadda horumaray iyo kuwa soo if-baxaya, iyadoo la adeegsanayo maalgashi shisheeye oo toos ah. waxa kaloo qodobadda shirk aka mid ahaa dhiirigelinta wax isku darsiga si loo hello koboc dhaqaale oo guud iyo koboc dhaqaale oo joogto ah”.

Dhinaca kale wasiirka horumarinta maalgashiga Somaliland waxa uu sheegay in shir doceedyo ay la yeesheen madaxda laba shirkadood oo aad u danaynaya in ay tamarta Cadceeda koronto ka dhaliyaan, isla markaana ay ku casuumeen in ay dhawaan Somaliland yimaadaan.

Wasiirka oo arrinataasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu aad ugu faraxsanahay in aanu la kulanay laba shirkadood oo aad u danaynaya in ay adeega korontadda ka dhaliyaan Cadceedda ama Qoraxda oo aanu labadaba wadahadal fiicanw ada yeelanay.

Waxaanan ku casuumaynaa in ay dalka noogu yimaadaan si aanu uga wadahadalno arrimahaasi. Waanay jiraan shirkaddo kale oo aanu tusnay in wadankayagu dhul beereed fiican leeyahay, ayna maalgashadaan”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply