Khilaaf ka Dhex-qarxay Xisbiga Waddani iyo Cirro oo Loogu Baaqay Inuu Is Casilo

0
291

Hargeysa (Dawan)- Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI , waxaana xogyaha guud ee xisbigaas Maxamed Cabdillaahi Uur-cade uu sheegay in la gaadhay xiligii uu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro bannayn lahaa jagada hoggaamiyaha iyo musharaxa Xisbiga.

Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in xisbigoodu isku maandhaafsan yahay qaabka loo wahajayo badalaada guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo xoghayaha guud ee xisbigaas, isla markaana Cirro ugu wareejin lahaa xilka guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Cabdiqaar Xaaji Ismaciil Jirde .

“Musharaxnimada iyo guddoomiyaha waxaa jira rag aad iyo aad u qiimo badan oo ah siyaasiyinta ugu waaweyn Somaliland, oo ku jira Xisbiga Waddani, sida Cabdiqadir Jirde oo xeerarka iyo nidaamka maanta dalka ku shaqeeyo sameeyey iyo Dr Gaboose oo noo keenay Ururka Umadda xilli aanu Xisbigaygu adkayn, waxaan jeclahay dadka aan soo sheegay iyo dadka kale oo xisbiga meel gaadhsiin kara in fursad la siiyo,” ayuu yidhi Maxamed Cabdiilaahi Uur-cadde.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani ayaa guddoomiyahooda ugu digay in aanu mar labaad u tartamin Murashaxa iyo guddoomiyaha Xisbiga, tallaabadaas oo uu sheeegay in ay dhaawac weyn gaadhsiinayso meeqaamka xisbigu taagan yahay, waxaau yidhi “Cirro waxaan kula talinayaa in aanu mar kale Murashaxa iyo guddoomiyaha u tartamin, si aanu xisbigu hoos ugu dhaadhicin, waayo ku noqoshada uu Cirro ku noqdo waxaan hubaa in ay Xisbiga dhaxal-siinayso in uu boqolkiiba labaatan helo, waan hubaa taariikhdana meel iigu qora.”

Maxamed Cabdillaahi Uur-cade waxa uu Xisbiga iyo hoggaankiisa ba ugu baaqay in ay fulinayaa sharciga iyo ballantii lagu cumaamaday guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Cabdiqaadir Jirde waxaanu yidhi “Cirro waxa aanu u soo jeedinayaa inuu fuliyo ballantii Cabdiqaadir Jirde, waxanan jecelahay inuu sharciga ku soo noqda, haddii waxa uu guddoomiyaha ku yahay uu diido isna guddoomiye ahaan mayo, meeshu maaha dukaan iyo maqaaxi Cirro leeyahay ee waa Xisbi qaranku leeyahay, inuu been naftiisa u sheego maaha, anna inaan u sheego maaha.”

“Waxaan kula talinayaa in inteena hoggaanka sare ku jira ay xilalka doorka danbe ka maqnaadan, adiguna aad nagu hoggaamiso si loo helo dad inta inaga dhiman ee Kulmiye inaga sarreeyo loo gaadho in ka badan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply