Xukuumadda oo ka Hadashay Rag loo Qabtay Ganacsade Lagu Toogtay Laascaanood

0
272

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka horumarinta khayraadka biyaha Saleebaan Cali ( Koore) ayaa ka warbixiyay dil dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanay sheegeen in gacanta lagu dhigay rag loo tuhmay inay ka danbeeyeen dilka ganacsadaha marxuun Maxamed Cabdi Timir.

Waxaanay sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah shalay ugu qabteen xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay si wada jira tacsi ugu direen qoyskii, qaraabadii iyo dhamaanka qaranka Somaliland ee ku baxay ganacsade Maxamed Cabdi Tmir oo lagu dilay dhawaan magaalada Laascaanood.

Wasiirradu waxay bulshada ugu baaqeen in ay ciidamada amaanka gacan ka siiyaa sidii amaanka loo adkayn lahaa, isla markaana loo qaban lahaa dadka dambiilayaasha ah, waxaanay sheegeen in la safashada iyo qarinta gacan ku dhiiglayaashu ay keento in dad aan wax danbi ah galin leyska toogto.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed waxaa uu faahfaahin ka bixiyay soo qabashada rag lagu tuhmay inay ku lug lahaayee ganacsadaha lagu toogtay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaanu yidhi “Marxuun Maxamed Cabdi Cali Shire Alle haw naxariistee ina Cabdi-timir, dhawaana lagu dilay magaalada Laascaanood kana mid ahaa ganacsatada gobolka Sool, hawl gal adag ayay dawladu ku jirtaa, dawladuna culeys adag ayay saareysaa, inay gacan ku dhiiglaha ay soo qabato, raggii la shaqeynayay qaar ka mida oo lagu tuhmayayna imika gacanta ayaa lagu hayaa, maaha maalin walba inaynu u hiilino nin gacan ku dhiigle ah, gacan ku dhiiglana maaha nin danaynaya dadka wada noolaanshiyahooda, waa nin doonaya in arrimahaasi xumaadaan, si dadkeena iyo nabad-galiyadeena aynu badbaadino waa in aynu gacan ku dhiiglaha meel uga soo wada jeesanaa, taas ayaa shareecada Illaahay ina fartaya, dawladda Somaliland na arrintaasina hawlgal adag ayay kaga jirtaa, dadka reer Sool hawl culus ayay ka galeen, madaxweynahana way iska arkeen, qadar Alle ayaa sababay inuu sidaasi ku geeriyoodo, mar walbana waxaynu dooneynaa inaanay nabad-galiyadu inaga xumaanin, waxaynu rabnaa inay nabad-galiyadu inoo taagnaato, kana wada shaqeyno nabad-galiyada waxaanu deegaanka gobolka Sool ka codsaneynaynaa kuna adkeynaynaa, dadweynaha ku dhaqan Xaysimo iyo Taleexba inaan dhacdadan lagu xidhiidhin dhacdooyinkii hore, ee aynu ka soo gudubnay.”

Dhanka kale wasiir Maxamed Kaahin waxa uu ka hadlay shaqaaqo dhawaan laba beelood oo walaalo ah ku dhexmartay deegaanka Fadhigaab ee gobolka Sanaag waxaaanu yidhi “Dhacdadii Fadhigaabna waxaa ay dhacday iyada oo dhawr cisho ka hor uun la soo afjaray dhacdadii Dararweyne iyo Ceel-afweyn ka soo taagnayd inta mudada ah, markasta oo dhacdo noocaasi ahi ay dhacdana qaranka dhiig bax ayay ku tahay, dhabar jabin ayay ku tahay dhibaato ayay ku tahay, waxaana arrintaasi buunbuuniya oo soo celceliya iyada oo lala safto oo la qariyo gacan ku dhiiglaha waxaanay keenta in dad wax sababa oo ay geysteen aanay jirin in ay u dhintaan gacan ku dhiigle iyo danbiile la qariyay.”

“Aad iyo aad ayaan ula tiiraanyeysanahay, aniga oo garanaya xanuunka ay leedahay geeriada Maxamed Cabdi Timir, waxaan ogahay oo aan garanayaa inaanu waligii qof bini’aadam ah af iyo adin midna waxba ka yeelin, inuu waxtaro mooyaane, markaa waxaan leeyahay yaan ninkaa gacan ku dhiglaha ah loo sameynin wax uu ku gudbanaado, oo eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday intay is xakemeyn karaan heys xakameeyeen si loo raadsado kii danbiga galay” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dawannwes Hargeysa office

Leave a Reply