“Anigu Xilka Waan Necebahay Wasiirada Deegaankayguna Way Igaga Habboon yihiin”

0
269

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde,ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay isla markaana uu garab taagan yahay xubnaha ay isku deegaanka ka soo jeedaan ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Wasiiradda ka ah,waxaa kale oo uu intaa ku daray in aan walila gaadhin xilli Xukuumadda la dhaliilo oo ay hadda bilaw tahay isla markaana loo baahan yahay in wakhti la siiyo oo lala shaqeeyo.

waxaanu yidhi”Wakhti xukuumaddan wax laga sheego oo la dhaleeceeyo arinku ma gaadhin xilkuna waa meerto oo kolba nin ayaa haya oo waa nasiib,waana in lala shaqeeyo kolba qofkii xilka haya wasiirada xilka haya ee ka soo jeeda deegaankaygana waan ku qanacsanahay waxaanan isleeyahay way kaaga habboon yihiin oo way igaga waayo aragsanyhiiin xilalka loo dhiibay ayaan aaminsanahay aniguna xilka waan necebahay oo xilku wuu dhib badan yahay,gobalka.”

Mar uu ka hadlaayy gocolka Sool waxaa uu yidhi “gobolka Sool wuu ka xaalad duwan yahay gobalada kale ee dalka siyaasado badanina way ku furan yihiin xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo waxbaa laga qabtay gobalka Sool waxaanay u baahan tahay siyaasad gaar ah waxaana jira reero ay wax dhex mareen oo muddo badan soo jiitamayay,”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply