Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex oo Xilka la Wareegay

0
365

Hargeysa (Dawan)- Badhasaab ku xigeenka cusub ee Gobalka Maroodijeex Khadar Baaruud oo dhawaan madaxweynaha Somaliland xilkaasi u magacaabay ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay Badhasaab ku xigeenkii hore ee Gobalka Rashiid Axmed.

Munaasibada xil wareejinta labada masuul ayaa lagu qabtay xarunta Gobalka Maroodijeex, waxaana labadan masuul xilka u kala wareejiyey Badhasaabka Gobalka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdi Gurey oo wakiil ka ahaa wasiirka arrimaha guduha, waxaana ka soo qayb galay munaasabadan madax waaxeedyada iyo shaqaalaha xarunta Gobalka iyo waliba qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobalka, isu-duwayaasha wasaaradaha ee gobalka iyo madax dhaqameedka gobalka.

Masuuliyiintii ka soo qayb galay xafladan xil-wareejinta ayaa haddalo ka jeediyey munaasibadaasi, hadaladaasi oo isugu jiray dardaaran iyo dhiiri gelin, isla markaana lagu soo dhaweynayey badhisaab ku xigeenka cusub, laguna sagootiyey badhisaab ku xigeenkii hore, waxaana aad looga hadlay muhiimadda Xarunta Gobalka Maroodijeex ay u leedahay qaranka Somaliland.

Gabagabadii xafladana waxa si rasmiya xilkii ula kala wareegay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobalka Maroodijeex Mudane Rashiid iyo gudoomiye ku xigeenka cusub ee gobalka Maroodijeex Mudane Khadar Baaruud.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply